Xisbiga UCID oo Cambaareeyey Xildhibaanno lagu dhex-garaacay Baarlamanka, Kuna eedeeyey Saleebaan-Gaal Mas’uuliyada Falkii Baarlamanka ka Dhacay DAAWO
Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Mucaaradka ah ee UCID, ayaa cambaareeyey qaabka wada-jirka ahaa ee Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilladu ku yeesheen xaruntooda Hargeysa ee Madaxweyne Siilaanyo hortegay qaabkii loogula dhaqmay Xildhibaanno Mudanayaasha Wakiillada ee Mucaaradka ka tirsan oo qaarkood ay Askartii Golayaasha Askar aan ahayni intay garaaceen ka dareeriyeen Fadhigii Golahaas, ka dib markii uu amarkaas bixiyey Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo fadhigaa guddoominayey.
Xoghaye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa markii fadhigaas oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin uu ka mid yahay laga soo baxay, waxaanu ku tilmaamay qaabka Xildhibaannada loola dhaqmay wax ka baxsan milgaha, sharciga iyo dhaqanka dimuquraadiyadda oo cabbudhin ah.