“Wasiir Caddaani Habeenkii waa Xisbiga Waddani oo wuu noo yimaaddaa, Maalintiina waa Kulmiye..” Faadumo Aadan – DAAWO
Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Faadumo Aadan Cawad oo ka mid ah Saraakiisha Garabka Haweenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa weerartay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), oo ay ku sheegtay inaanu waxba u taraynin Musharrax Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo toona, waxaanay sheegtay inuu Habeenkii ka tirsan yahay Xisbiga Waddani oo uu qaadhaankiisa bixiyo, Maalintiina Kulmiye ka tirsan yahay.
Faadumo Aadan oo qaar ka tirsan Saxaafadda Hargeysa kula hadashay, ayaa sheegtay inuu Wasiir Caddaani habeenkii xubin buuxda ka yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maalintiina Xubin ka yahay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.