Laba Dil oo Xalay Siyaabo Kala Duwan uga Dhacay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa & Xogaha Hordhaca ah ee Ka Soo Baxaya Dilalkaas.
Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Xalay Saacado Isku Xigi Magaaladda Hargaysa ka dhacay Laba Fal oo ay Ku Naf waayeen Laba Marxuun.
Falka 1aad ayaaa Abaaro 8:30 Habeenimo ka dhacay Suuqa Gobonimo Gaar ahaan Meel aan ka fogayn Idaacadda Radio Hargaysa Kadib Markii Laba dhallinyaro ah oo Ku Hubaysan Mindiyo ay Weerar ku qaadeen Nin Fadhiyey Meel Makhaaxi ah Waxaana Ku Dhacay Mindi Saablayda wax yeeshay,Mid ka mid ah labadii dhallinyarada ahaa ee falkaas Fuliyey ayaa Waxaa Gacanta Ku dhigay Dadweyne goobta ka ag dhawaa, Waxaana Markii danbe ku soo Gaadhay Ciidanka Booliska ee Ilaaliya amniga Wasaaradda Warfaafinta.
Ninkan Booliska Loo dhiibay ayaa ahaa Shakhsiga Wehelinayay Ninka Dhagarta Gaystay Waxaanu Booliska u Sheegay in Marxuunka dhintay uu Markii hore u gaystay Nabar Isaga ka soo gaadhay Isha Dusheeda,Waxaana Marxuunka Dhintay La Odhan Jiray alle ha u Naxariistee C.raxmaan Muuse Muxumed Kaas oo Wax yar kadib Markuu Nabarku ku dhacay ay naftu ka baxday.
Geesta kale Abaaro 9:00 ee Isla Xalay Waxaa Guduha Magalada Hargeisa Gaar ahaan Agagaarka Fooqa ORYATANKA Lagu Dilay Hal Nin.
Ilaa Hada Ma Lama Aqoonsan Maydkaasi Iyo Cida Dishay Balse Waxa Ay Wararku Sheegayaan In Ay Dileen Niman Xabag-Layaal Ah Oo Uu Ka Tirsanaa.
Waxaa Maydkaasi Qaaday Ciidamada BIlayska Somaliland Oo Ay Wehelinayaan Ciidamaddaa Sirdoonka Somaliland.
Ilaa Hada Taliska Sare ee Ciidamadda Boolisku kamay hadal Labadaas Dil ee Xalay ka dhacay Caasimadda Hargaysa.
Magaaladda Hargaysa Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay ku soo badanayaay Dhallinyaro ku Hubaysan Tooriyo Kuwaas oo Waxyeelo u gaysta dadka rayidka ah oo ay ka qaadaan Mobilada.
Source Qurbejoog.com