Madaxweynaha DDSI oo Maanta Qaabilaad u samaynaya Gudoomiyaha KULMIYE & Wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Jigjiga
Jig Jiga 12. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Ismaamulka dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamed Cumar ayaa la filayaa inuu maanta kulan la yeesho wefdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tegay caasimada Jigjiga, ka dib martiqaad kuu ka helay Mr. Cabdi Maxamed Cumar.
Wefdiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi oo ku wehelinayeen socdaalkiisa Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr. Yaasiin X. Maxamuud (Faratoon), Safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee Itoobiya, Amb. Ayaanle Salaad Diiriye, iyo Mr. Axmed Xaaji Daahir ayey ku soo dhoweeyeen magaalada Jigjiga Afhayeenka Baarlamaanka Md. Maxamed Rashiid Isaaq, Madaxweyne-xigeenka, ahna madaxa Beeraha Marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka Ganacsiga Mr.Cabdi Ismaaciil iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha DDIS Mudane Cabdi Maxamed Cumar oo ku booqday guriga martida markii la dejiyey ayaa la filayaa inuu Maanta kulan la yeeshaan wefdiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, siduu Sheegay Amb. Ayaanle Salaad Diiriye.
Imaatinka wefdiga Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi ee magaalada Jigjiga ayaa ka dambeeyey ka dib markuu u soo dhamaaday booqasho rasmi ah oo Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn u soo diray ku tageen dabayaaqadii usbuucii hore caasimada Addis Ababa, kulana kula yeesheen xafiiskiisa Raysal-wasaare Md. Desalegn.