Kulanka Maanta ee Madaxweyne Siilaanyo uu Ku Hor Tagayo Labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda,Dooda Gudoomiye Cirro ee Xaarantinimaynta Fadhigaas,Adkaynta Amaanka ee Cabsida Mudaharaadyo & Dareenka Shacabka!!
Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Siilaanyo ayaa ayaa Maanta oo Axad ah Waxa uu hor tagayaa Fadhi wada jir ah oo ay leeyihiin labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiiladda.
Kulankan oo ay ujeedadiisu tahay inuu Madaxweynuhu labada gole u jeediyo Khudbad ka duwan tiisii Sannadlaha ahayd waxaana ku cad dalabka madaxweynaha arrimo Nabadgalyo inuu Labada Gole Isugu Yeedhay.
Waxaa Loo Badinayaa in Madaxweynuhu Labada Gole Ka Dalbadao Sidii ay Xukuumadiisa ugu Taageeri lahaayeen Gelista Heshiiska Saldhiga Milateri ay kaga siinayaan Magaaladda Berbera dawlada Imaaraadka Carabta.
Fadhigan Wada Jirka ah waxaa Shir Gudoomin doona Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamud Aadan lamana oga waxa uu ka yeeli doono hadii ay Madaxweynaha ka timaado Soo Jeedinta Kor Ku Xusan oo Sharci ahaan ay leeyihiin ansixintiisa amase diidmadiisa Golaha Wakiiladdu.
Geesta Kale Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Xalay Warbaahinta la hadlay ayaa sharci darro ku tilmaamay in labada Gole Baarlamaan la horkeeno heshiiska la gelaayo Imaaraadka, isaga oo xusay in Golaha Wakiiladu xaq u lee yahay ansaxinta wixii heshiisyo ah.
“Dastuurku waxa uu qodobka 38aad uu ku caddeeyey farqaddiisa lixaad in waxyaabaha ay labada Gole iskugu iman karaan ay fadhi wada-jir ah ka yeelan karaan, se heshiis ay Xukuumaddu la gasho dal kale kuma jiro waxyaabahaas oo marka heshiis ay noqoto ama ansaxin waxa uu dastuurku siiyey Golaha Wakiilada sida ku qoran ee ku cad qodobka dastuurka ee 53aad, farqaddiisa saddexaad, wixii ansaxin ahna dhammaan waxa iska leh Golaha Wakiilada sida aad ka warqabtaan, haddii ay Miisaaniyad tahay iyo haddii ay tahay ba wasiiro la ansaxiyo iyo heshiisyo ba. Fadhigaas na waa keliya ee aanu ku tix-gelinay waxa weeye oo keliya in uu soo codsaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu la kulmo labada Gole Baarlamaan ee Somaliland. Walaaleyaal fadhigani waxa uu khilaafsan yahay nidaamka ku xadidan dastuurka ay ku shaqeeyaan Goleyaashu, taasi na waxa ay innoo sheegaysaa in aanu sharcigu guur guurin ee dadku guur guuro.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiye Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, waxaa uu shaki geliyey jiritaanka heshiis u dhaxeeya Somaliland iyo dawladda Imaaraadka, waxaana uu yidhi:“Haddii intaas oodhan la iska dhaafo, waxa aynu isweydiineynaa horta heshiis ma jiraa ?. Inkasta oo shir guddoonka labada aqal ay Madaxtooyadu u sheegtay in ay goleyaasha keenayso heshiis ay la gashay dalka Imaaraadka Carabta se hada na wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu caddeeyey in haba-yaraatee aanu jirin wax heshiis ahi oo ay wada saxeexdeen jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Iskutaga Imaaraadka Carabtu. Se waxa isweydiin leh maxaa berig golaha la horkeenayaa?. Bal adba garo, waxa se ay ila tahay waa ay iska soo bixi doontaa. “.
Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu Baarlamaanka Somaliland uu ka codsaday in aanay dhuuni ka dooranin danta qaranka balse ay magac ka raacaan oo ay shacabka Somaliland ka difaacaan wixii hagardaamo ku keenaya, waxaana uu yidhi: “Waxa ay u eeg tahay in aynu indho isku qabad hebad u noqonay haddii aynu nahay Baarlamaanka Somaliland, markaa Mudaneyaaal, maanta xilku idinka ayuu idin saaran yahay, waajibaadka Baarlamaanada na waxa ka mid ah in ay Xukuumadda daba-galaan oo wixii ka xun ay toosiyaan, in ay ku shaqeeyaan dareenka dadka shacabka ay metalaan, waxaana ay ila tahay in maanta ama magac baydin qaadan doontaan ama naaneys xun baydin qaadan. Odey Xakiim ah oo goleyaasha ka tirsani, waxa uu beri hore yidhi isaga oo la dardaarmayaa Goleyaasha uu ku yidhi caloolna waad lee dahiin, caqlina waad lee dihiin se maanta waxa aan idin lee yahay waar caqliga doorta.”.
Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro ka hadlay kala xadeynta awoodaha hay’adaha qaranka Somaliland oo uu sheegay in ay u nuglaadeen Xukuumadda, waxaana uu yidhi:- “Kala xadeynta awoodaha waaxyaha qaranka waxa ay ila tahay in aanay qarsooneyn in maanta waaxahii kale ee qaranku ay u nuglaadeen Xukuumadda haddii ay yihiin Garsoor iyo haddii ay yihiin sharci dejin ba, waxaana aad ka warqabtaan in maalmahan ba xubnaha labada aqalba reer reer iyo qof qof ba Madaxtooyada looggu yeedhaayey iyaga oo laga codsanaayey heshiis aan jirin sida wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in loo ansaxiyo.”.
Ugu dambeyntii, waxa uu guddoomiye Cirro ka codsaday shacabka Somaliland in ay baahi weyn u qabaan siddii ay ugu soo gurman lahaayeen Baarlamaanka Somaliland
“Baarlamaanka laftiisu waxa uu shacabka Somaliland uga baahan yahay gurmad, waxaanan shacbiga ugu baaqayaa in Baarlamaanka loo soo gurmado.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).
Geesta Kale amaanka Caasimadda ayaa ilaa Xalay laga dareemayay Dhaq dhaqaaqyo Xoogan oo ay Ciidamadda Boolisku ku baadhayeen Gaadiidka Kala duwan ee Rayidka Sidoo Kale amaanka Xarunta baarlamanka ayaa aad loo adeeyay Iyadoo laga Cabsi qabo Mudaharaadyo abaabulan oo lagaga soo hor jeedo hindisaha Xukuumadda ee qaddiyada Saldhiga Mileteri Kadib Markii ay Mucaaridku ku baaqeen.
Ilaa hada Lamana oga inuu Madaxweyne Siilaanyo tafaasiil dheeraad ah ka bixin doono saldhigan kana jawaabi doono su’aalaha ay siyaasiyiinta iyo shacabku iska weydiinayaan.
Si kastaba ha ahaate, kulanka Maanta ee Madaxweyne Siilaanyo la yeelanayo labada gole baarlamaan ayaa la eegayaa in madaxweynuhu si faahfaahsan uga hadlo saldhigan iyo in kale.
Sidoo kalena waxa la eegayaa inay labada gole dood geliyaan soo jeedinta madaxweynaha iyo inay duuduub ku ansixiyaan.