Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo dhaliilay saldhiga Militari ee Imaaraadku doonayo Xili Beri Madaxweyne Siilaanyo Ku Talo Jiro inuu Ka Xalaaleeyo Labada Gole ee Sharci Dejinta Somaliland
Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):- Xisbiyadda mucaaradka iyo xildhibaanada golaha wakiiladda qaarkood ayaa si weyn u dhaliilay heshiishka maalmihii u dambeeyey la hadal hayey inay xukuumadda Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta oo ay saldhig ka dhiganayaan garoonka magaaladda Berbera.
Odayaal, madax dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa xukuumadda ugu baaqay inay ka noqoto heshiishkaasi saldhiga militari oo ay ku tilmaameen mid dhibaato u keenaya Somaliland, isla markaana dalka Yemen oo aanu dagaal ka dhexeyn dalal kale dartood aan dagaalka loo soo rarayo Somaliland.
Sidoo kale, waxa dhaliileen kulanka wada jir ah ee madaxweynuhu iskugu yeedhay labadda gole baarlamaan oo maaalinta Barri ah loo balansanyahay, waxaanay xildhibaanadu sheegeen in fadhiga wada jir ah uu madaxweynuhu ku doonayo inuu labadda gole ku marsiiyo heshiishkaasi uu la soo galay imaaraadka Carabta.
“Hantidda u weyn ee Somaliland ka dhexeysa waa sharciga iyo dastuurka waa ka simay xuquuqdoodda, haday dad tahay iyo haddii ay dal tahay, masuul kasta oo xil haya waxa xilkiisa iyo awoodihiisa xadida waa sharci lama odhan sidaad doonto u soco”ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland.
“wasiirka arrimaha dibada wuxuu umada u cadeeyey in aanu jirin heshiish imaaraadka lala galay, mar hadii aanu taasi jirin waxa la yaab ah waxa labada gole la hor keenayo ee madaxweynuhu iskugu yeedhay, qiodobka 53aad golaha wakiiladda ayaa sharci u leh inuu ansixiyo heshiish kasta oo caalami ah, labadda gole waxa la iskugu yeedhayaa waxa weeyi labadda golow waxaad noo ogolaataa inaanu heshiish soo galno”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in saldhigaasi Militari aanu faa’iiddo ugu jirin mooyee, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay heshiishkaasi haddii uu jiro ka laabato, waxaanu sheegay in hawshan ay dabada ka riixayaan Maraykanka oo uu soo dirsaday Imaaraadka Carabta.
Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa xisbiyadda mucaaradka ku dhaliilay inay bulshadda si kale ugu sheegayaan saldhigan military, waxaanu sheegay inay faa’iido badan ugu jirto Somaliland.
“Saldhigan ciidanka magalada Berbera ay inaga codsadeen dalka Imaraadka Carabta ee aynu wadaagno dhaqan, diin iyo xidhiidh ganacsi maaha mid dalkeena lagu qabsanayo oo ah beenta kale ay mucaaridku ku beer laxowsadan shacbiga Somaliland. Balse waa dariiq inoo sahlaya inaynu caalamka la xidhiidhno”ayuu yidhi Cadaani, waxaanu intaas raaciyey “ arrintani waxay inoo soo jiidayaa maalgashi baaxad leh oo faro badan, saldhiguna wax kale maahe waa iskaashi dhinacyo badan faa’iidooyinka ku jirana oo aad uu balaadhan ay ka mid yihiin dhinaca nabad-gelyada. waxa uu saldhigu faa’iido wayn ka tarayaa amnigaas”
Inkastoo xildhibaanada qaar iyo xisbiyadda mucaaradku ka soo horjeedaan saldhiga Militari ee Berber laga dhigayo, haseyeeshee xukuumadda ayaa doonaysa inay golaha ka ansaxsato heshiishkaasi si uu u hirgalo.