“Musharraxa KULMIYE Ee U Ololaynaya In Ciidamo Ajaanib Ah La Inna Dul Keenaa Malaha Dan Kama Laha Dalkan Iyo In Uu Talada Ku Soo Laabto Xaalkooduna Waa Shilimaad”..Siyaasi Siciid Sulub
Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee Somaliland xukuumaddii Rayaale ahna masuul wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si adag xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ugu eedeeyey wareejinta Madaarka Berbera oo la hadal hayo in xukuumaddu saldhig ka samaysanayso isaga oo gaar ahaan Hogaanka xisbiga KULMIYE ku eedeeyey in ay yihiin kuwo aan dan ka lahayn dalkan lexejeclona ka qabin rajona ka qabin sida uu hadalka u dhigay in ay dalka ku soo laabtaan oo xilka u tartamaan mar kale maadaama ay taageereen qorshaha xukuumadda ee dhaxal wareejinta Berbera ah.
Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo Telefishanka Star la hadlay waxa uu yidh: “Dawladdan Wakhtigeedii dhammaaday ee dhawrka bilood ee kordhinta ah ku jirtaa awood uma leh in ay heshiis intaasi le’ag gasho. Maxay yidhaahdeen waannu ku baddalanaynaa saldhigga?, ma wabiyo ayaa la innoo jeexayaa, ma ictiraaf bay ku baddalanayaan?, Imaaraadka ha la waydiiyo ma inna aqoonsanyahay mise innama aqoonsana? Jawaabtu waa maya innama aqoonsana. Dawlad yar oo sabool ah ayaynu nahay. Dad iskood isku tashaday baynu nahay. Waynu iska calool adaygaynay oo faqri baynu nahay. Saboolnimadaasi ma innaga caawinayaan oo miisaaniyad kab ma innoo samaynayaan oo waa qaniye sannadkii miisaaniyaddeena 300 oo Milyan oo dollar ma innoogu darayaan?. Wax aynu gaajada iyo rafaadka kaga baxno xukuumaddani ma innooga keenaysaa Imaaraadka?. Berri ciidankooda halkan la keenay haddii cidi inna soo weerarto ma inna difaacayaan. Waa maya?, Saldhig lagaga duulo Yemen oo innaga fawdo innagu abuura oo daraf innaga dhiga mushkilad aynaan ka dabbaalan karayn uma baahnin. Halkaa waxaan leeyahay waa tallaabo qaldan oo dawladdani qaadday. Waa dawlad xamaamo urursi ah waxa ay u galayaana waa xoogaagaa khidmadda ah ee komishanka yar ah ee la siinayo iyaga ayay doonayaan. Dan qaran eegi maayaan. Labada ee la isugu yeedhay waynu naqaanaa iyaguna way yaqaanaan. Xoogaa baa loo qaybinayaa sidii tii hore waxa aan leeyahay shacabka reer Somaliland arrintaasi yaan la ogolaan. Hallaga kaco oo hala diido oo halaga mudaharaado. Shucuurtiina muujiya haddii kale wax aan jirin baad tihiin. Dalka Somaliland waa Berbera. Berberina waa Dekedda iyo Madaarka. Dekedda iyo Madaarkana marka la wareejiyo ee gacan ajaanib lagu wareejiyo Somaliland waxba maaha weeyi. Dalkaagiibaad ogolaatay in ciidamo shisheeye xukumaan oo faro galiyaan oo aanad xukumi Karin oo aanad iska rari Karin oo aan cidi kaa rarayn illayn adaa faduushooda galee”.
Ugu dambayn Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud waxa uu siyaasiyiinta ugu sarreeya xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inay heshiiskan saldhigga dabada ka riixayaan oo ay doonayaan in laga sameeyo Magaalada Berbera.
Siciid Sulub oo arrintaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Xisbiga KULMIYE oo imika u ololaynaya sidii dawladda Itoobiya loogu qancin lahaa saldhiggaasi Milatari in la bixiyo oo Musharrxoodii Madaxweyne ahna Guddoomiyahoodii uu ka mid yahay waftiga tagay Itoobiya ee la leeyahay waxa ay dawladda Itoobiya ku soo qancinayaan in aannu saldhiggaasi mudarro Itoobiya u lahayn waxa ay muujinaysaa in ay raalli ka yihiin in saldhiggaasi la bixiyo oo ciidamo ajanabi ahi halkaa innoo soo degaan. Taasina waxa ay ila tahay in ay xisbigaasi nusqaan ku tahay oo aanu doonayn in uu noqdo xisbi talada ku soo noqda oo uu yahay xisbi ay ku fillaatay mudadaasi hore ee Madaxweynuhu meesha ku yimid”.