|

Soo Jeedka Ama Habeenkii Oo La Ogaaday Inuu Kor U Qaado Fikirka Iyo Caqliga Aadmiga !

Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Haddii aad ka mid tahay dadka soo jeedka badan amase aan hore u seexan habeenkii ha warwarin waxa laga yaabaa in soo jeedkaasi kor u sii qaado awooda fikirkaaga iyo firfircoonidaada.

Deraasad cusub oo cinwaankeeda laga dhigay “Maxay dadka soo jeedka badani ugu caqli badan yihiin dadka kale” ayaa lagu cadeeyay in dadka soo jeedka badani ay aad uga maskax wanaagsan yihiin kuwa hore u seexda sidoo kale ubadka yaryar ee habeenkii aan hore u seexan ayaa la cadeeyay inay noqdaan kuwa maskax badan marka ay weynaadaan.

Deraasaddan oo laga soo saaray Dalka Spain oo ay soo bandhigeen khubaro ka socota jaamacada Madrid oo Wargeyska Himilo tarjumay ayaa waxa lagu cadeeyey in baadhitaan ay ku sameeyeen 1000 arday oo Dhallinyaro ah, la ogaaday in ardayda soo jeedka badani ay ka maskax iyo firifircooni badnaayeen.

Arrinta aadka u layaabka badan ee lagu soo bandhigay deraasaddan ayaa waxa kale oo lagu sheegay in dadka habeenkii soo jeedka badani ay noqdaan mustabalka kuwa ka hanti badan dadka habeenkii xilliga hore seexde, balse aynu inagu ka aaminsanahay soo jeedka inuu waxyeelo caafimaadka qofka.

Comments are closed