Nin U Dhashay Dalka China Oo Bartay Sharciga Si U Iskaga Difaaco Shirkad Baabiisay Dhulkiisii Uu Beeran Jiray !
China 12. February 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay Dalka China ayaa ku guuleystay inuu iska Difaaco shirkad baabiisay dhul uu isagu lahaa oo uu beeran jiray, ninkan ayaa marka hore waxa uu ahaa beeralay, balse waxay dantu ku kaliftay inuu barto maadada Qaanuunka oo uu u bartay inuu iskaga Difaaco shirkada baabiisay dhulkiisa uu beeran jiray.
Ninkan oo la yidhaa Wang Anglian oo da’diisu tahay 60 jir isla markaana markii uu Da’da yaraa aan dhameystiran waxbarashadiisa oo 3 sano oo kaliya wax bartay ayaa waxa uu go’aan ku gaadhay sidii uu iskaga difaaci lahaa shirkadan oo magaceeda la yidhaahdo Qinghua Group oo ah shirkada ka shaqaysa soo saarista Dahabka iyo Macdanta, waxaanu ku eedeeyay inay ku shubtay dhulkiisa Biyo watta Kimikal ah oo wasakh ah arrintaasina ay sabab u noqotay in dhulkii uu beeran jiray ay waxba ka soo bixi waayaan.
Sidaasi awgeed ayaa Ninkani markii uu ka qalin jabiyay barashada Qaanuunka ayaa waxa uu markiiba uu ku guuleystay inuu xukunkii koowaad uu kaga guuleysto shirkadaasi, haatana uu sugayo sidii uu ugu guuleysan lahaa dacwadaasi.