Xogo Cusub: Boqorka Jilayaasha Filimada Hindiga Ee Shahrukh Khan Iyo Sida Uu Ku Gaadhay Halkuu Maanta Joogo
Delhi 12. February 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo Halyeyga Jilaha Filimada Hindiga ah ee Shahrukh Khan (SRK) uu sannadkan u dabbaal degayo Xuska Dhalashadiisa 52aad oo ku beegan Bisha siddeedaad ee sannadkan bal aan milicsi kooban ka eegno taariikhda iyo nolosha uu ninkan caanka ahi soo maray.
Shahrukh Khan wuxuu ku caan yahay in loogu yeedho SRK, waana atoore Hindi ah, filim qarash gareeye iyo shaqsi ka qayb qaata barnaamijyada TV-yadu ka baxaan oo aad looga daawado dunida. Inta badan saxaafaddu waxay ugu yeedhaa “Baadshah of Bollywood”, “King of Bollywood” ama “King Khan” wuxuu wax ka jilay in ka badan 80-filim oo uu ku leeyahay muuqaal marti ah iyo kuwo dhamaystiran. Majaladda Los Angeles Times waxay ku tilmaantay “the world’s biggest movie star” oo micnaheedu yahay xiddiga ugu weyn ama ugu caansan aduunyada!. Khan wuxuu taageerayaal aad u fara badan ku leeyahay qaaradda Asia iyo daafaha caalamka waxaana si gaar ah u taageera Hindida qurbe-joogta ku ah daafaha caalamka. Waa shaqsiga labaad ee ugu taajirsan ama ugu hodansan marka laga hadlaayo xiddigaha filimada jila dunida wuxuuna hanti ahaan wakhtigan u heestaa $650-milyan oo dollar.
Sidoo kalena shaqada uu Bollywood-ka ka qabto wuxuu ku helay aqoonsi caalami ah iyo abaal marino aad u farabadan weliba 14-biladood oo ay shirkadda Filmfare bixiso ayuu ku guuleestay!. Shahrukh Khan inta badan aflaanta uu jilo waxay xambaarsan yahay fariin noolaha oo dhammi aanu ka maarmayn sida: Jeceyl, arrimaha bulshada ee kale, arrimaha faquuqa iyo xad gudubka, farqiga u dhaxeeya bulshooyinka gaar ahaan dalalka Pakistan iyo Hindiya iyo waliba darajooyinka kala sarreeya ee bulshada Hindiya, aragtida diimaha ee bulsho weynta adduunka u dhaxeeyo iyo xanuunada dabiiciga ah ee bini aadamka asiiba iyo arrimo kale oo badan. Midaas waxay sababtay in SRK filimadiisu ay ka gudbaan xuduudaha Hindiya sidoo kalena ay noqdaan aflaan si weyn caalamka looga xiiseeyo.
King Khan waxay dowladda Hindiya siisay biladda 4-aad ee muwaadinka ugu darajada sarreeya la siiyo (Padma Shri) sidoo kalena dowladda France waxay siisay labada abaal marinood ee darajada ugu sarreysa xambaarsan Ordre des Arts et des Lettres iyo the Légion d’honneur.
Shahrukh Khan Iyo Bilawgii Noloshiisa Iyo Marxaladaha Uu Soo Maray:
Shahrukh Khan sannadkan ayuu waa 51-jirsanayaa waxaanu dhashay 2-dii November 1965-kii isagoo ku dhashay magaalada New Delhi, xiddigan 5-tii sano ee ugu horraysay noloshiisa wuxuu ku qaatay Gobolka Manglore ee dalka Hindiya wuxuuna la noolaa ayeydii oo lagu magacaabi jiray Ifthikar Ahmed (Iftiqaar Axmed) waxayna Ingineerka ugu sarereeya ka ahayd xilligaas dekadda Manglore ku taallay 60-kii waana ayeydii hooyo oo korriinkiisa wakhtigaasi qayb libaax ka qaadatay.