Garsoore U Dhashay Dalka Masar Oo Sheegtay Dhakhtarnimo, Sababna U Noqday Geerida Ilma Yar Oo Uu Dawooyin Qaldan Siiyay !
Qahira 12. February 2017 (SDN/QJ):- Xaaladaha aadka u layaabka badan ee ka socda Dalkaasi Masar ayaa waxa ka mid ah in Nin Loyar ahaa uu sheegtay inuu yahay dhakhtar, Ninkan ayaa waxa uu dhakhtar ka furtay magaalada Saytuun ee Dalkaasi Masar, waxaana loo keenay gabadh yar oo xaaladeeda caafimaad aad u liidato kadib markii waalidkii gabadha yari soo gaadheen dhakhtar waxa uu u sheegay in xaaladda caafimaad ee gabadhoodu ay aad u liidato, sidaa awgeedna ay u baahan tahay in dhkahtarka la dhigo si xaaladeeda loo la socdo.
Ninkan oo magaciisa la yidhaa Mohamed ayaa waxa uu la baxay Dr Mohamed arrinta aadka u layaabka badan, waxaanay noqotay in ninkani uu waalidka gabadha yar ee magaceeda la yidhaa Ariij uu farray in gabadh yar oo kaliya la dhigo dhakhtarka waalidkuna iska tagaan, waxaanu u sheegay inay hablaha Kalkaalisooyinku wax kasta qabanayaan, intaasi kadib waxa uu qoray dawooyin qaldan oo sabab u noqday in Ariij geeriyooto, kadib markii la baadhayna waxa caddaatay in dawooyinkaasi ay beerka gabadhaasi yar ee muddada labada bilood ah jirtay ay waxyeeleen, nasiib wanaag ciidammada Dalka Masar gaar ahaan magaalada Saytuun ayaa sheegay in eedaysanahaa gacanta lagu soo dhigay lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan, ilaa haatana waxa la is weydiinayaa sababta Ninkan ku kaliftay inuu sheegto waxaanu ahayn waana arrinta ilaa iyo hadda ay ciidammada Dalkaasi baadhayaan.