|

Halista Caafimaad Ee Barruurta Xad Dhaafka Ah & Digniinaha Caafimaad

Oslo 12. February 2017 (SDN/QJ):- Deraasad cusub oo dhawaan la shaaciyay ayaa lagu cadeeyay in dadka ka xishooda ama ka khajila barruurta xad dhaafka ah ee jidhkooda hadhaysay ay la kulmaan dhibaatooyin kale oo dhinaca caafimaadka ah sida xannuunada waddnaha oo kale.

 

Khubarada soo bandhigay deraasaddan ayaa waxay si dhab ah u xaqiijiyeen in dadka aadka u buuran ee ka xishooda miisaanka xad dhaafka ah ay u nugul yihiin inay qaadaan cudurada sida macaanka iyo dhiig karka, islamarkaana sababa warwarka iyo niyad jabka badan ee soo waajaha dadkaasi, haddaba haddii aad ka mid tahay dadkaasi iska illaali niyad jabka iyo wewerka kuna dedaal sidii aad u dhimmi lahayd miisaankaaga xad dhaafka ah.

Comments are closed