Guddoomiye Cirro Muxuu Ka Yidhi Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya?
Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay dawladda dalkaasi Somaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo karo madaxweynahaasi isaga oo dhanka kale na u rajeeyey in uu sii wadi doono wada-hadaladii u dhaxeeyey dawladaha Somaliland iyo Somaliya.
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa hadalkan ka sheegay wareysi gaara oo uu siiyey wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu ugu horreyn hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Somaliya.
“Somaliya waa dal aynu deris nahay oo aynu walaalo nahay markaa cidda ay dooranayaan shacabkoodu iyagaa xaq u leh, waxaana ay doorteen kii shacabku doonayey in ay doortaan, markaa madaxweynaha cusub ee Somaliya waan hambalyeynayaa, marka labaad na waxa aan u rajeynayaa in Somaliya iyo Somaliland ay noqdaan laba dal oo deris ah oo danahooda na wada-hadal iyo is-afgarad ku dhammeysta, waanan hambalyeynayaa madaxweynaha cusub.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey in aanay sir ahayn arrimaha u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya, waxaana uu tilmaamay in qoshaha Somaliland uu cad yahay isla mar ahaantaana uu yahay madaxbanaanida qaraninimada Somaliland, isaga oo ka codsaday in madaxweynaha cusub ee dalkaas Somaliya uu ixtiraamo rabitaanka shacabka Somaliland.
“Arrimaha aynu kala wadano inaga iyo Somaliya maaha kuwo sir ah oo Somaliya ninkii yimaadaama waxa uu wataa midnimada Somaliya, reer Somaliland na afti bay ku gaadheen in ay u madaxbanaanaadaan qaranimaddooda, waxaana aan rajeynayaa in madaxweyne kasta oo yimaadaa uu ixtiraamo arrintaas, qorshaha Somaliland na waa qaran madaxbanaan oo Somaliland la yidhaahdo oo beesha caalamku aqoonsan tahay kana mid noqda beesha caalamka taasina waa qorshaha Somaliland, waxaan rajeynayaa uun in la isku ixtiraamo rabitaanka shacbiga reer Somaliland, waxaanan jeclahay in danaha Somaliland iyo Somaliya ay ku dhammeystaan wada-hadal iyo is afgarad.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa ugu dambeyntii uu caddeeyey mawqifkiisa, ka xisbiga WADDANI iyo ka Somaliland ee ku aadan qaranimada iyo madaxbanaanida.
“Ma jirto cabsi gaara oo aniga ii muuqata oo laga qabi karaa ma jiro oo qofku qorshahiisa wuu caddeyn karaa, keyga, ka Xisbiga WADDANI iyo ka Somaliland na waa madaxbanaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, kiisa-na(Farmaajo) isaga ayaa u madaxbanaan, Somaliland na cid waxba kuma khasbi karto, laakiin danaha inaga dhaxeeya waa laga wada hadli karaa.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.