Wasiir Caddaani oo Ka Warbixiyey Waxyaabaha uu Somaliland u Horseedayo Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka Iyo Khudbada Beri ee Labada Gole DAAWO
Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland md,Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa waxa uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin kulanka madaxweynaha iyo labada aqal baarlamaan iyo xukuumada cusub ee loo doortay dalkaasi soomaaliya ee aynu jaarka nahay.
Waxana uu jawaabo adag ka bixiyey hadalo maalmahan ka soo yeedhayay xisbiga mucaaradka ah ee waddani oo ay kaga horjeedaan saldhiga cusub ee somaliland ka bixinayso xeebaha gobolka saaxil.