Golaha Wakiillada Oo Joojiyey Cashuur Sharci-darro Ah Oo Wasiirka Arrimaha Guduhu Uu Dawladda Hoose Ee Hargeysa Ugu Jideeyay Inay Qaaddo Warshadaha Biyaha Iyo Sharaabka
Hargeysa 11. February 2017 (SDN/QJ):-Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa joojiyey cashuur uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu ku soo rogey Wershadaha soo saara Biyaha iyo Sharaabka, kadib markii Dawladda Hoose ee Hargeysa u soo gudbisay qorshe ay ku doonayso inay Cashuur cusub kaga qaaddo Wershadahaasi, halkii ay hore uga qaadi jirtay lacag la yidhaahdo Xaqal Xashiish.
Dawladda Hoose Hargeysa oo hore Wershadaha Biyaha iyo Sharaabka uga qaadi jirtay lacag Xaqal Xashiish ah, ayaa dhawaan samaysay qorshe kale oo ay ku beddelayso oo ah inay Cashuur cusub ka qaaddo Wershadaha Biyaha iyo Sharaabka, sidaa awgeedna waxay u soo bandhigtay Guddida Billicda oo ka aqbashay, kadibna Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa soo saaray amar uu ku waajibinayo inay Cashuurtaasi bixiyaan Wershadahaasi.
Cashuurtani ayaa la sheegay inay aad uga badan tahay xaqal Xashiishkii hore looga qaadi jiray Wershadaha Biyaha iyo Sharaabka.
Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa hore uga qaadi jirtay Gaadhiga sida kun iyo shan boqol oo kartoon lacag xaqal xashiish ah oo dhan 64,000 (Afar iyo Lixdan kun oo Shilin), halka Dawladda hoose imika doonayso inay isla Gaadhsigaasi ka qaaddo cashuur dhan 1,500,000 slsh (Milyan iyo Shan boqol oo kun), taasi oo u dhigan in halkii Kartoon ay hore uga qaadi jirtay 42 Shilin Somaliland, imikana kun Shilin halkii Kartoonba.
Cashuurtaasi oo aan lagala tashan Wershadleyda ayaa markii ay soo baxday ay si weyn uga biyo-diideen, iyagoo sheegaya in aanay qaadi karin, xaqna loogu lahayn oo ay bixiyaan guud ahaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay, isla-markaana aanay qiimaha ay siiyaan Biyaha iyo Sharaabka waxba ku kordhinayn oo ay Bulshadooda uga tudhayaan, sidaasi darteed waxay cabasho ku saabsan cashuurtan ula tageen Wasiirka Arrimaha Gudaha, balse waxba kama soo qaadin cabashoodaasi, kadibna waxay cabashadoodii u gudbiyeen Golaha Wakiillada, waxaana loo saaray Guddida Joogtada ah ee Golaha.
Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada ayaa u kuurgalay xaaladdan isla-markaana u yeedhay oo wareystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maayirka Caasimadda iyo Wershadaha Biyaha iyo Sharaabka, kadibna natiijadii uga soo baxday u gudbiyey Shir-guddoonka Golaha Wakiilada.
Wararka madaxa bannaan ee Wargeyska Himilo helayo ayaa sheegaya in shalay oo ay taariikhdu aheyd 07.02.2017 uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu soo saaray qoraal ujeedadiisu tahay joojinta cashuur la saaray Wershadaha Biyaha iyo Sharaabka, isagoo u cuskaday qodobo sharci ah oo dhigaya in aan cashuur la kordhin Karin ilaa golaha Wakiiladu ansixiyo, iyo in aanay awoodaha Dawladaha hoose ee khidmadaha iyo tacriifaduhu aanay gaadhsiisnayn jideyn Cashuur, iyo in aanu Wasiirka Arrimaha Guduhu xaq u lahayn jideyntooda, isla-markaana aanay cashuurtaasi aanay sharci aheyn oo aanay waafaqsanayn Dastuurka.
Tallaabada Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu qaaday, ayaa ku soo beegmaysa Xilli Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay aanay Magaalada Hargeysa soo gelin Biyihii uga iman jiray Gobollada bariga iyo Galbeedka, oo ay ku xanibnaayeen Kaantaroollada laga soo gelo Hargeysa, iyagoo ka cabsi qabay cashuurtan cusub.