Maxay tahay Sirta aadan ogeyn ee ku qarsoon 97-cod ee uu helay Xasan Sheekh ?
Muqdisho 09. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si aan la fileyn uga tanaasulay musharaxnimadiis xili la filayay inuu ugudbo wareega sedexaad.
Xasan Sheekh ayaa ugu hambaleeyay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu ku guuleystay xilkan taas oo muujineysa in wax walba ay si nadiif ah oo masuq maasuq la aan ah udhaceen.
Hase ahaatee arinta aanan qarsooneyn ee laga ogaaday codadkii uu Xasan Sheekh ka helay doorashada ayaa muujineysa in kaliya xubnaha Damujadiid ay u codeeyeen.
Xasan Sheekh ayaa helay 97 cod taas oo tiro ahaan la eg amase u dhiganta codadkii uu Faarax Cabdi Qaadir helay markii uu utartamayay gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Soomaaliya.
Arintaan ayaa muujineysa awooda ay kooxda Damujadiid ku dhex leeyihiin Barlamaanka labada aqal kuwaas oo aan ka badneyn 100 xildhibaan
Si kastaba madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo si muuqata ugu guuleystay doorashada.