Murashax Xasan Sheekh Maxamud oo Shalay Galab Muqdisho Ku Soo Bandhigay Tirada Xildhibaanada ee Codka Siin Doona & Nuxurka Dardaarankiisa DAAWO
Muqdisho 08. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Soo dhamaaday Maalmo Olole Iyo Kaanbayn Lagu Kala Jiidanayay Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamanka Somalia Waxaa Maanta loo Balansan Yahay Doorashada Madaxweynaha Somalia ee Afarta Sanno ee Soo Socota.
Hadaba madaxweynaha Wakhtigu ka dhamaaday ee Somalia ahna Murashax Mar Labaad raba in la doorto Xilkan Mudane Xasan Sheekh maxamuud ayaa Shalay Galab xaflad ballaadhan oo ku muujinayo cududiisa waxaa uu ku qabtay hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Waxaa Xaflada laga Sheegay inay ku Sugan Yihiin 200 oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo dooran doona amase Codkooda siin doona Musharaxa Xasan Sheekh oo difaacanaya xilka madaxweynaha Somalia.