|

Khudbaddii Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka jeediyey xafladdii loo qabtay Garabkii Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen ee xisbiga la midoobay, kuwaas oo uu ku biiritaankooda ku tilmaamay inuu yahay mid taariikhi ah, isaga oo kala mid dhigay dhacdooyin muhiim ah oo dalka maanta ka dhacay, “Waxaannu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa garabka UCID ee uu hoggaaminayo murrashaxii hore Jamaal Cali Xuseen oo xoog iyo aqoon gudo iyo dibadba innagu soo xoojiyey, waxaannu leenahay kal iyo laab ugu soo dhawaada KULMIYE, waxaannan caddaynayaa inay saacaddaa dhammaantood si rasmi ah uga mid yihiin xisbiga KULMIYE, ,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Comments are closed