|

Madaxweyne Siilaanyo oo Si Kediso ah Isugu Yeedhay Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland (Guurtida & Wakiiladda) & Qaddiyada Laga Wada Hadlayo

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo) ayaa la sheegay inuu labada Shir Gudoon ee Guurtida iyo Wakiilada u qoray warqad dalbaysa in 12 bishan aynu ku jirno fadhi wada jir ah la iskugu yeedho Xildhibaada labada.

Inkasta oo Si Faahfaahsan aan Looga Warbixin Dulucda Fadhigaas ayaa Shirgudoonka Labada Gole ( Gudoomiye Saleebaan & Cirro) Waxay si Kooban Warbaahinta ugu Sheegeen in Qoraalka Yeedhmada Madaxweynaha ay ku Qoran tahay oo Keliya Arrimo Nabadgalyo Isla markaana aanu Cadayn Ajandaha Fadhigaasi hasa Yeeshee Tibaaxo ka soo baxaya aqalka Madaxtooyada ayaa Sheegaya in Xukuumada Siilaanyo ay soo dhigi doonto wareejinta Gegida Diyaaradaha Magaalada Berbera Iyo Hibaynta Saldhiga Milateri ee Imaaraadku ka rabo Somaliland.

Shirkan la iskugu yeedhaayo Xildhibaanada ayaa daran ansixinta heshiis ay la gelayso Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Dawlada Imaaradka oo damacsan inay Garoonka Diyaaradaha Berbera ka dhigato saldhig meleteri (military.).

Comments are closed