|

Nin Madoow ah oo Dalka Mareykanka ku kufsaday Hooyo Soomaaliyeed oo 75 sano jir ah(Dhacdo Xanuun Badan) DAAWO

Minneapolis 07. February 2017 (SDN/QJ):- Dhacdo naxdin iyo murugo leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka ka dib markii uu nin Madoow ah uu kufsi iyo dhac uu u geystay hooyooyin Soomaaliyeed oo waayeel ah oo da’adooda lagu sheegay ilaa iyo 75 sano jir inay yihiin.

Ninkaan tuuga ah oo lagu magacaabo Stephen Lee Blanks oo 32 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu u soo dhacay dhowr guri oo ay ku nool yihiin hooyooyin Soomaaliyeed asagoona mudo 15 daqiiqo gudahood ah isku marey ilaa 3 guri islamarkaana ku waxyeeleeyey laba haween oo Soomaaliyeed oo da’adoodu ahayd ilaa iyo 75 sanadood iyadoona uu ninkaan mid ka mid ah haweenkaas Soomaaliyeed uu u geystay dhac iyo kufsi islamarkaana uu sidoo kale uu garaacay ka dib markii uu isku dayey inuu xoog uga qaato boorsadeeda ay wadatey.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas ay markii dambe ay booliisku ay gacanta ku dhigeen ka dib markii ay ka aqoonsadeen kaamirada ilaalada ee ku taala dhismahaas ayaa ninkaasi uu asagu isu soo dhiibay booliiska, Ninkaan oo ah nin ku caan ah dhaca iyo kufsiga ayaa dhawaantaan waxaa uu ka soo baxay Xabsiga ka dib markii uu soo dhameystay xabsi ku dhawaad 6 sanandood gaaraayo kaas oo loogu xukumay ka dib markii uu sidoo kale dhac iyo kufsi uu geystay ay ku cadaatey.

Comments are closed