|

Musharax Madaxweyne oo Baarlamaanka u balan qaaday in uu Xajka wada geyn doono hadii ay doortaan

Muqdisho 07. February 2017 (SDN/QJ):-  Waxaa Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho Khudbado ka jeediyay qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaa oo Baarlamaanka ka hor aqrinayay waxa u qorsheesan in ay qabtaan marka ay xilka la wareegaan.

Musharaxiinta Madaxweyne ee Khudbadaha ka hor jeediyay Baarlamanaka Federaalka ayaa mid waliba waxa uu ka hadlayay waxa uu qabanayo hadii la doorto, waxa ayna dhamaan ka sinaayeen balan qaadyo ay adag tahay fulinteeda.

 

Maxamed Axmed Jabarti oo kamid ahaa Musharaxiinta Madaxweyne ee maanta khudbada ka horjeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisa noqotay mid ka duwan kuwii ee jeedinayeen musharaxiinta kale.

 

Musharaxan ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada Aqal u balan qaaday hadii ay doortaan in mid kasta oo iyaga kamid ah iyo Waalidiintooda uu geyn doono Boqortooyada Sacuudiga si ay usoo xajiyaan.

 

Waxa uu sidoo kale Musharaxn u balan qaaday Xildhibaanada labada Aqal in sanad walbo Xildhibaan kasta qof ehelkiisa ah u geyn doono Jaamacad Dibada ah sidoo kale uu Xildhibaan kasta u tababari doobo askari noloshiisa ilaaliya.

 

 

Musharaxn oo Khudbadiisa ay aheed mis Xamaasad leh ayaa sidoo kale sheegay in uu yahay qof Soomaali dhab ah oon qabiil iyo Dowlado shisheeye shaqo ku laheyn, waxa uuna uu halkaasi kusoo bandhigay Baasaboorkiisa oo Soomaali ah, isagoona tilmaamay in Musharaxiinta kale heestaan Baasabooro wadamo Shisheeye ah.

 

 

“Waxaan ahay Muwaadin Soomaliyeed oo haysta Passaborka Somaliya, laakiin Musharixiinta kale ee ila tartamaysa waxay wataan Passabor wadamo kale oo ay u soo dhaarteen ” Ayuu yiri Musharax Jabarti.

 

Ugu Dmabeyn Musharaxan ayaa ka codsaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay bad baadiyaan umada Soomaaliyeed kuna bad baadiyaan codkooda iyaga oo ka faa’iideesanaya fursada ay maanta heestaan una doortaan dalka Hogaan umada wax tari kara.

Comments are closed