|

Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland oo Amaro adag dul Dhigay Wadayaasha Gaadiidka Sidoo Kalena Fariin u diray Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan

Hargaysa 07. February 2017 (SDN/QJ):- Taliyaha ciidanka nabad-galiyada wadooyinka Somaliland ahna afhayeenka booliska Faysal Xiis Cilmi ayaa amaro adag dul dhigay wadayaasha gaadiidka.

 

Isaga oo  ku amray inay soo qaataan liisanada iyo buugaagta taasi oo ay kaga badbaadi karaan dhib kasta oo ka hortimaada, waxaanu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayay Tv-ga Star.

Faysal Xiis Cilmi Taliyaha ciidanka nabad-galiyada wadooyinku isaga  oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Bar yahan aad iyo aad ayay u shaqeynayaan ciidanka nabad-galiyada wadooyinku, taasi oo ah inay gaadiidka buugaagtooda eegaan oo sharciga eegaan, waxaana sidaas faraya sharciga,wixii bilaa liisan ahina waa danbi sida uu qabo qodobka todobaad ee ciidanka nabad-galiyada wadooyinku waliba ciqaab ayaanu mudanayaa, waad ogeydeen oo sagaal dirawal ayay maxkamada degmada Hargeysi dhawaan xukuntay,dadweynaha reer Hargeysa ee sida wanaagsan booliska ula shaqeeya waxaanu faraynaa inay feejignaadaan, inay naftooda ilaaliyaan, in marka ay gaadiidka wadaan soo qaataan buugooda iyo liisankoodaba, si aanay ciidanka isaga hor iman cidii lagula kulmo waala qabanayaa”

Comments are closed