|

Jilaagii Caanka Ahaa Ee Frederick Jay Oo Gacantiisa Isku Dilay, Kuna Soo Bandhigay Facebook !

London 07. February 2017 (SDN/QJ):- Jilaagii caanka ahaa ee Frederick Jay ayaa geeriyooday kadib markii uu gacantiisa isku toogtay, jilaagan oo ay Da’diisu ahayd 33 jir ayaa waxa uu ku soo bandhigay inuu is Dilli doono barta uu ku lahaa Facebook, waxaanu ogeysiiyay tageerayaashiisa inuu go’aansaday inuu is Dilayo.

Arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in markii uu is dilayay uu si toos ah (Live) ugu soo bandhigay Facebook, si ay u Daawadaan Dad badan oo tageerayaashiisa ahaa marka uu madaxa xabada iskaga dhufanayo.

Shirkada Facebook ayaa si degdeg ah muuqaalkaasi uga saartay kadib markii ay ogaadeen inay arrintan tahay tallaabo ku cusub Dadka isticmaala Facebook, si aanay dadka kale ee dunida ku nooli ugu adeegsan ilaa dhimashadooda.

Jilaagan ayaa la sheegay inay ku kaliftay falkan foosha xun markii lagu soo eedeeyay inuu Gesytay Kufsi islamarkaana lagu soo dammiintay lacag dhan 100 Kun oo Dollar.

Comments are closed