Qof Lagu Maxkamadeeyey Sigaar Uu Ku Cabbay Gurigiisa!
Berlin 07. February 2017 (SDN/QJ):- Dawladda Jarmalka oo gannaax lacageed ku soo Rogtay Dadka Sigaarka ku cabba Barandaha Guryahooda.
Haweenay u dhalatay Dalka Jarmalka oo ku nool Caasimada Dalkaasi ee Berlin ayaa waxa lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo gannaax lacageed oo dhan 270 kun oo Dollar.
Haweenaydan oo la yidhaa Ota’f ayaa waxay ku nooshahay gurigeeda oo ku yaalla xaafada Hellersdorfer ee magaaladaasi laga bilaabo sanadkii 2008dii, haweenaydan ayaa gannaaxa iskugu jira xadhig iyo lacag lagu xukumay kadib markii ay barandaha gurigeeda ku cabtay Sigaar 8dii habeennimo arrintaasina ayaa keentay in mid ka mid ah jaarkeedu uu ka soo cawdo, arrintaasina waxay keentay in maxkmad lala tiigsado isla markaana dacwad lagu oogo oo xukun lagu rido.