|

Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Waabariistay Hargeysa,Xili Loo Diiday inuu Buuhoodle Ka Dhoofo & Diyaaradii Hargaysa Ka Qaaday oo Geysay Dalka Jabuuti

Hargaysa 06. February 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka subaxnimadii hore ku waabariistay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda iyo dhaqanka  Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte), badhasaabka Maroodi-jeex Mr. Buraale iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Saleebaan Cali Ramaax.

Cali Khaliif Galaydh iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa saaka cagaha soo dhigay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyaga oo xalay ka soo guureeyay magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah maamulkiisa Khaatumo, waxaanu soo dhawayn diiran kala kulmay masuuliyiinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa iyaguna ku booqday Hudheel Ambasador oo ay isaga iyo wefigiisu ka quraacaneyeen Madaxda xisbiga WADDANI oo uu horkacayay Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Weftigan uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh oo saacado kooban ku sugnaa gudaha magaalada Hargeysa, waxa ay isla saakaba ka dhoofeen madaarka caalamiga ah ee Hargeysa (Cigaal International Arport), iyaga oo u kicitimay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, oo la filayo in shir wada xaajood ahi uga furmo maamulka khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland.

Cali Khaliif Galaydh iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayay, waxa safarkooda Jabuuti ku wehelinayay oo ay isku diyaarad ka raaceen Hargeysa wefti kale oo ka socda Xukuumadda Somaliland, oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Prof. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo, ayaan ka hadal ujeedada socdaalkiisa, isla markaana ka gaabsaday saxaafadda, iyada oo la filayo in marka uu gaadho dalka Jabuuti uu si faahfaahsan uga hadli doono ujeedada socdaalkiisa, waana markii ugu horraysay ee uu cagaha soo dhigo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, tan iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 1993-kii.

Comments are closed