|

Somaliland: Roobab Lagu Diirsaday Oo Ka Da’ay Deegaano Ka Tirsan Sool Iyo Sanaag DAAWO

Hargaysa 06. February 2017 (SDN/QJ):- Roobab lagu diirsada ayaa laga soo sheegayaa Deegaanno hoos taga gobollada Sool iyo Sanaag oo abaar xuni ay ka jirtay.

Deegaanada uu roobku tiixay ee ka tirsan gobolka Sool ayaa waxa kamid ah; Jidhaan-dhiig, Waxara-ciyaarshe, Darayo-hayaag, Xagrin iyo gudaha magaalada Xuddun.

Dhinaca kale, Deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa laga soo sheegayaa inay ka curteen roobab aad loogu diirsaday.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag roobabka ayaa ka da’ay deegaanada dhinaca xeebta ee gobolkaas iyo waliba deegaano kale oo hoos yimaada degmada Ceel AfWeyn oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Sida ay wararku sheegayaan deegaanada ay ka mid yihiin Darar Wayne Iyo Kal Sheekh oo ka mid ah degmada Ceel Afweyn ayey ka curteen roobab ay si weyn ugu qabow sadeen dadkii ay abaaruhu saameeyeen ee ku noolaa deegaanadaasi.

Ugu dambeyntii, Bulshada deegaanadaasi ku dhaqan ayaa wehel u ahayd diifta iyo macaluusha ka dhalatay abaarta iyagoo aad ugu riyaaqay raxmaadkan eebe ee u hoorey maadaama uu roobku ka raagay isla markaana aanay muddo arag.

Si kastaba ha ahaatee, Guud ahaan deegaanada kala duwan ee gobollada  Sanaag iyo Sool ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada bariga Somaliland.

Comments are closed