|

Maxkamada racfaanka ee Heer Fadaraal ee Maraykanka oo Gaashaanka ku Dhufatay Racfaankii Madaxweyne Donald Trump

Washington 06. February 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada racfaanka ah oo heer federal ah ayaa ganafka ku dhufatay codsigii maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayey in si dhakhso ah dib loogu dhaqan geliyo qaraarkii madaxweyne Tramp uu dadka ku Masaafurinayay Kadib Markii uu Jimcihii Qaadacay garsoore heer federal ah.

 

Xayiraadda qaraarkani waxay saamaynaysay dadka u dhashay todoba dal oo Muslim ah.

 

Qareenada amarkan diidanaa ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid aan dastuuri ahayn isla markaana dadka kala takooraya.

 

James Robar oo ah Xaakin Heer Fadaraal ah ayaa Sheegay in Amarka Madaxweyne Trump uu Xad Gudub ku Yahay Shuruucda Maraykanka Go’aanka Xaakimkan ayaa waxaa ka faa’iidaystay Dad badan oo ku Xanibnaa Madaaradda dalkaasi Sidoo kale Shirkadaha Diyaaradaha ayaa Iclaamiyey inay soo qaadi karaan Socotada ka imanaysa 7-dii dal ee Madaxweyne Trump Xayiraada sida gaarka ah u saaray.

Balse Maamulka Aqalka Cad ayaa Cod dheer ku Sheegay Sida aanu Garsoorahani Awood ugu Lahayn inuu Laalo qaraarkii madaxweyne Trump ee Socotada Todoba dal oo Islaam ah.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa haatan waxaa si weyn uga hor imanaya maxkamadaha Maraykanka oo awood buuxda u leh iney tuuraan sharci kasta oo khilaafsan dastuurka wadankaas.

Comments are closed