|

Xisbiga Kulmiye oo Shaaciyey inay Isniinta Qaban Doonaan Xafladii Midowga Garabkii Jamaal Cali Xuseen + Xisbiga Kulmiye & Qodob ay labada dhinac Hore ugu Heshiiyeen oo la Buriyey!!

Hargaysa 04. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maalinta Isniinta ee Saadanbe la Shaaciyey in Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa ay ka dhici doonto Xaflada ay ku Midoobayaan Garabkii uu Hogaamin Jiray Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ee Ucid Iyo Xisbiga Kulmiye.

Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Socday Wada hadalo ay lahaayeen labada Dhinac Kaas oo Lagu Gorfaynayay Waxyaabaha ay Ku Midoobayaan Labada Geesood ee Xisbiga Talada dalka haya ee Kulmiye & Garabkii Xisbiga Ucid ee Jamaal Cali Xuseen horjoogaha u ahaa Kaas oo Mas’uuliyiinta labada dhinac ay Warbaahinta u Sheegeen bilowgii Bishii aynu ka soo Gudubnay ee January inay isku raaceen danta Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo intaas ku daray in Qodobada lagu heshiiyey lagu soo bandhigi doono Maalinta ay dhacayso Xaflada Midowgu.

Hasa Yeeshee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Cod dheer ku Sheegay inay Isku afgarteen inaaan Xaflada Isku Biirista la qaban ilaa ay Abaarta adag ee dalka ka Taagan Ilaahay inaga soo furto Hasa yeeshee Wacadkaas ayaa u Muuqda Mid gebi ahaanba la buriyey iyadoo Xiligan ay Deegaamada ugu badan ee Somaliland ay ka taagan tahay Xaalad abaareed oo saamayn ku Yeelatay Nolosha dadka iyo Duunyada Sidoo kale waxaa Meesha ka baxay Damqashadii uu Gudoomiye Muuse Sheegay inay la wadaagayaan Dadka abaaruhu saameeyeen Isagoo Wakhtigaas intaas ku daray in Xisbiga Kulmiye uu u arko Qabashada Xafladaas Mid ay agaasimi doonaan Marka Tawsta abaaraha laga soo baxo.

Comments are closed