|

Dilaaliinta Seyladda Xoolaha Hargeysa oo ka Cowday Suuqyo Madow oo Lagu Kala Iibsado Lacagta Doolarka

Hargeysa 03. February 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan caasimadda magaalada Hargeysa ayaa weli cabasho ka muujinaaya sicir-barar aad u xooggan oo ay sheegeen in uu saameeyey guud ahaan heerkoodii nololeed, iyaga oo sida oo kale na sheegay in go’aamaddii lagu dejinaayey sicir-bararka iyo sarifka lacagaha qalaad ee Xukuumaddu aanu weli si toos ah u fulin, waxaana ay carabka ku dhufteen in ay si aada uga qeylinayaan suuqyo-madow oo ay sheegeen in lagu kala iibsanaayo sarifka lacagaha dollarka oo heerkoodu aad u sareeyo.

 

Dadweynahan oo aanu kula soo kulanay Seyladda iibka Xoolaha ee magaalada Hargeysa, ayaa iyaga oo la hadlaaya Warbaahinta, waxa ay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin, waxaana ay tilmaameen illaa hadda go’aamaddii ka soo baxay Xukuumadda Somaliland ee Sicir-bararku aanay noqonin kuwo u daneynaaya dadka danyarta ah iyaga oo carabka ku dhuftay in weli aanay wax hoos u dhac ahi ku imanin qiimaha miiciishadda kala duwan ee la quuto isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu ku fashilantay wax ka qabashada ganacsatada iyo sarifleyaasha dalka.

 

Mid ka mid ah hooyooyinkii la hadashay Warbaahinta, ayaa sheegtay in ay aad u la dhako faarsan yihiin sicir-bararka ka jira magaalada Hargeysa oo weli aan hoos u dhicin iyada oo sida oo kale si aada uga qeylisay suuq-madow oo ay sheegtay in lagu kala iibsanaayo lacagta dollarka oo guud ahaan saameyn xooggan ku yeeshay heerkii nololeed ee dadka danyarta ah. Waxaana ay tidhi Hooyaddaas danyarta ahi:

 

“Waxa aanu ka hadlaynaa oo aanu aad dhako-faar uga qabnaa sicir-bararka ka jira magaalada, waxa aanu ka hadlaynaa lacagta dollarka ah ee inta dadkii danyarta ahaa laga ga gurto 680,000/Sl/Shilling ah ee hada na 810,000/Sl/Shilling dib loogga ga iibinaayo suuqyada madow. Waxa aanu u sheegaynaa shicibka hawlosan ee lacagtoodii oo 680,000 laga ga qaatay hada na laga ga iibinaayo 810,000 in ay feejignaadaan, maadaama ay dawladdu qaraar soo saartay. Dawladda na waxa aanu ka codsanaynaa in  sicirka(qiimaha) raashinka in dib loo eego oo dadkaa shicibka ah ee abaarahu hayaan uu sicirkii raashinku weli halkiisii ku taagan yahay oo weli sicirkii kululaa ee maciishaddu waa halkiisii.”.

 

Guddoomiyaha Seyladda Iibka Xoolaha ee Hargeysa  Odey Maxamed Aadan Xasan oo isna halkaas ka hadlay, ayaa cod dheer ku sheegay in xaaladdii abaareed ee dalku ay hadda uun gashay xilligii ugu adkaa ee Jiilaashinka isla mar ahaantaana loo baahan yahay in la sii laban laabo gurmadka abaareed ee la fidinaayo, waa kale oo uu ka hadlay saameynta dhaqaale ee sicir-bararka iyo abaarahu ay ku yeesheen dadka ka sii ganacasada ee ku hoos nool iibka xoolaha la keeno Seyladda, isaga oo carabaabey in gebi ahaan ba dadkaas la iska ilaabay balse ay qabaan dhibbaato duruufeed oo aad u adag.

 

“Seyladda Xoolaha Hargeysi, waxa ay ku xidhan tahay miyiga oo magaalo shaqo kuma laha, waxa ay ku xidhan tahay xoolaha nool iyo dadka wata, anagu dadkaa miyiga ayaanu nahay oo abaartu na anaga ayey nagu soo horeysay ba, waxa loo baahan yahay in laga war hayo marka hore oo Xukuumaddu hareeraha ayey ka martaa oo reeraha miyiga ayuun bay tagtaa se dadka Seyladda war uma hayso oo ninkaa abaaraysan ee dhibtu hayso ee miyiga jooga ee wax caawiya doonaya ayaanu anagu na neefkiisa ku dabo nooleyn, abaartii na saaka uun bay bilaabmantay oo haddii Xukuumaddeey aad islahaydeen waad nasanaysaan Ilaahay oo dadka iyo duunyada ba nasiyo mooyaane ma nasaysaan oo maanta ayaa kow ah Jiilaalkii.”.Ayuu yidhi guddoomiyaha Seyladda Xoolaha Hargeysa.Ayuu yidhi Maxamed Aadan Xasan.

 

Dhanka kale, qaar ka mid ah dilaaliinta Iibka Xoolaha ee Seyladda Hargeysa oo iyaga na aanu halkaas kula kulanay, ayaa sheegay in isu qaban la’dahay qiimaha dhaca ku yimi iibkii xoolaha nool iyo sababta keentay in illaa hadda ay qaali tahay maciishadda kala duwan ee la quuto, waxaana ay Xukuumadda ugu baaqeen in ay faro-gelin toos ah ku soo sameyso ganacsatada kala duwan ee dalka.

 

“Xoolaha qiimahoodii waxa uu marayaa inta u dhaxeysa 60 dollar ilaa 50 dollar oo la kala siisanayaa neefka wanaagasan ee Lambar Wanka ah, dollarka na dee Idaacadda uun baa laga sii daayey oo la yidhi waa uu jabay laakiin wax dhaqan-galay oo xaggii hoose ka dhaqan galay ma jiro oo qofkii sita uun baa laga jabsanayaa, haddii aad imika tidhaahdo iga iibina wuxuun baa lagaa siinayaa Sideedii Boqol iyo Sagaalkii boqol uun, markaa dadka dee dollarka loogga soo diro xawaaladaha uun u jabay Dollarku ee anaga weli waa nagu qaali noloshii.”.Ayuu yidhi mid ka mid ah dilaaliinta Seyladda Xoolaha Hargeysa.

 

Maxamed Geedi oo isna ka mid ah dilaaliinta Seyladda Xoolaha, ayaa isna dhankiisa aad ugu dheeraaday saameynta uu sicir-bararku ku yeeshay heerkii nololeed ee bulshada, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in ilaa hadda aanay fulin go’aamaddii Xukuumadda ee Sicir-bararka isla mar ahaantaana uu sarifkii lacagta Dollarku maraayo meel aad u sareysa, waxaana uu yidhi:

 

“Sicir-bararku wadanka oodhan saameyn badan buu ku yeeshay, dollarkii na waad og tihiin oo waatii tidhi dawladdu waanu jebinaynaa oo qofkii boqolka dollar sitey uun baa boqolkiisii jabay oo marka aad imika istidhaahdo sariflaha tag oo soo iibso waxa lagaa soo siinayaa Sideed Boqol oo dollar iyo qusuur, raashinkii na Sideed Boqol baa laguu garaacayaa oo waa uu sii kacay, suuqa xoolaha na saameyn buu ku yeeshay oo iyaga na dadkii ba way kala shakiyeen, neefkii Lacagta cad(Somaliland Shilling) lagu iibsanaayey iyo kii dollarka lagu iibsanaayey ba wax meel fadhiya oo qiime ahi ma jiraan, qof waliba waxa uu odhanayaa waxaygu waxba goyn maayaan. Markaa waxa aanu lee nahay dawladdu wax ha ka qabato oo dadka masaakiinta ah uun yaanay waxoodu jabin, laakiin ganacsatada iyo sarifleyaasha waa in ay wax ka qabtaan .”.

Comments are closed