|

Murashax Madaxweyne Somalia Jabriil Ibraahim C/dulle iyo Khudbadiisa Waxqabad ee Golaha Baarlamanka Somalia DAAWO

Muqdisho 03. February 2017 (SDN/QJ):- Jibril Ibrhaim Cabdulle oo sidoo kale xildhibaannada labada aqal ka hor Hadley waxaa uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaasadda isagoo ka Hadley amniga, cadaaladda, dib u heshiisiinta, ka hortagga musuqa, dhalinyarada, haweenka iyo xiriirka caalamiga ah.

Musharax Jabriil ayaa ku dheeraad sida uu u doonayo in haweenka iyo dahlinyarada ay kaalin uga lahaadaan dowladda, in cadaalad la helo oo la dhiso guddiyo iyo maxkamad dastuuri ah.

Dhinaca amniga waxaa uu sheegey in uu wada shaqeyn fiican la yeelan doono dowlad goballeedyada iyo beelaha Soomaaliyeed isagoo ballan-qaadey in uu la dagaali doono musuqa, kuna dadaali doono dowlad wanaagga.

Waxaa uu sheegay in uu  xallin doono arrinta Somalia iyo Somaliland , kuna dadaali doono sidii Soomaaliya xiriir ula yeelan laheyd dowladaha caalamka.

Ugu danbeyntii, waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in xildhibaannada uu ka codsanayo in ay doortaan, madama uu yahay qof Ugub yahay madaama ayuu yiri Curadkii lagu fashilmay.

Comments are closed