|

Shaqaalaha Waaxda arrimaha dibeda Maraykanka oo saxiixay bayaan ka dhan ah Madaxweyne Trump

Washington 02. February 2017 (SDN/QJ):-Shaqaale iyo diblomaasiyiin ka badan 900 oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa saxiixay warqad ay ku diiddan yihiin siyaasadaha cusub ee Trump uu ku wajahayo muhaajiriinta.

Dadka warqada saxiixay ayaa sheegay in talaabada Trump uu ku joojiyey muhaajiriinta iyo dadka ka soo jeeda todobada dal oo islaam ah aysan wax ka tareynin amniga Maraykanka, taas bedelkeadna ay sii xoojineyso naceybka maraykanka loo qabo.

Sidoo kale shaqaalaha wasaarada arrimaha dibeda ee Maraynkan aya sheegay in talaabada madaxweyne Trump ay wiiqeyso dedaalkii caalamiga ahaa ee loogu jiray in la baabi’iyo kooxaha xagjirka ah.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dowlada islaamka ayaa sheegay in talaabada Trump ay sabab u noqon doonto iney sii xoogeystaan kooxaha xagjirka ah ee argagixisada loo yaqaano.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iran, Javad Zarif, oo dalkiisa uu haatan gacan ka siinayo dowladda Ciraaq dagaalka ka dhanka ah kooxdani ayaa sheegay in tallaabadani uu qaaday Mareykanka ay taariikhda gali doonto ayna noqon doonto haddiyaddii ugu weynayd ee la siiyo kooxaha xagjirka ah iyo taageerayaashooda.

Waxa uu intaasi ku daray in tallaabadan ay horseedayso in argagixisadu ay ciidan badan hesho, iyada oo arrintaas sii fogeyn doonto cadaawadda ay xagjiriintu in muddo ahba ka faa’iideysanayeen.

Dowlada Indoniisiya, oo ah waddanka ugu Muslimiinta badan caalamka ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay go’aankaasi, sababtoo ah buu yiri, waxa uu saameyn ku yeelan doonaa dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, isagoo khalad ku tilmaamay in aragtida kooxaha xagjirka ah iyo argagixisada lala xiriiriyo diin gaar ah.

Comments are closed