|

Dhegeysiga khudbadaha Musharaxiinta oo si habsami leh uga socota xarunta golaha shacabka

Muqdisho 02. February 2017 (SDN/QJ):-Waxaa si habsami leh uga socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho dhegeysiga khudbadaha musharaxiinta ee la xiriira ajendahooda siyaasadeed ee ay dalka ku maamuli doonaan.

Qeybtii ugu horeysay musharaxiinta oo ka kooban 8 musharax ayaa maanta jeedinaya khudbadahooda, iyadoo Labada qeybood ee haraya ayaa iyana khudbadahooda ka jeedin doona Baarlamanka maalmaha Sabtida iyo Axada soo socota.

Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa guddiga gurmadka abaaraha ku wareejiyey qeyb ka mid ah lacagtii ka soo xerootay diiwaan gelinta musharaxiinta, iyadoo sidoo kale la dhaariyey xildhibaano cusub.

Axmed Maxamed Cabdi oo ka mid ah sideeda musharax ee maanta ku qornaa khudbad jeedinta ayaan soo xaadirin kulanka, isagoo ku cudurdaartay inuu dalka ka maqan yahay sida uu sheegay guddoomiye Jawaari.

Waxaa illaa hadda khudbadahooda jeediyey saddex Musharax oo kala ah Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Bashiir Raage Shiiraar, waxaana socota khudbada musharaxa Shariif Shiikh Axmed, waxaana toos looga daawanayaa qaar ka mid ah telefishinada Soomaalida.

Dad badan ayaa aaminsan in khudbadahan la xiriira ajendaha siyaasadeed ee musharaxiinta aysan aheyn miisaanka ugu dambeeya ee xildhibaanada ay ku kala xulanayaan musharaxa ay madaxweyne ka dhigi lahaayeen.

Comments are closed