Filashadii Fadka Guusha: Wasiir Caddaani oo Ka Gun Gaadhay Sad Bursi ay Tirsanayeen Shaqaalaha Wasaaradaasi Mudo Dheer & Wacad uu Hore u qaaday oo uu Kaga Dhabeeyay DAAWO
Hargaysa 01. February 2017 (SDN/QJ):- Waa Wasaarad Shaqo adag u haysa Qaranka,Waa Wasaaradda Jaangoysa Hannaanka War iyo Wacyigelin ee Qaranku u Baahan Yahay,Waa Wasaarad ay ka Shaqeeyaan Ku dhawaad 700 oo Hawl Wadeen,Waa Wasaarad noqotay inay ka dhex abuurmaan Dabaqado Nololeed oo kala fog,Kanina Waa Wasiirkii Lixaad ee Soo Maray Xayndaabka Wasaaradda Warfaafinta Mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo Xilka hayay.
Hadaba Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta & Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa ka Lib keenay Kadib Mudo Toban Bilood ah oo uu Xilka Wasaaradan hayay Talaabo ay Fulinteeda Mudo dheer u dheg taagayeen Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Isla markaana Hal Xidhaale ku ahayd Wasiiradii soo maray Wasaaradaasi Maadaama Shaqaale Isku Goob ka shaqeeya shaqo keliyana wada qabta uu Mid ka mid ahi qaadan Jiray Dhaqaale dhawr goor ku soo laban laabmaya Hawl wadeenka kale ee dhigiisa ah,Taas oo ku timid Maamulkii Hore ee Wasaaradda inay Qaab Sad bursi ku jiro u kala sooceen Shaqaalihii ay Xukumayeen taasina waxay ragaadisay Wax soo Saarkii iyo Tayadii ay yeelan lahaayeen Barnaamijyada iyo Wararka Warbaahinta dawlada ka baxa.