Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo Socodkii Caadiga Ahaa Ka Tagey!
Mumbai 01. February 2017 (SDN/QJ):- Socodku caafimaad ahaan waa u muhiim qof kasta oo laxaad qaba, waxaanu u sahlaa hawl qabadkiisa, isagoo u soconaya xagiisa hore ee uu arkayo.
Balse Nin u dhashay Dalka Hindiya oo magaciisa la yidhaahdo Manemari ayaa waxa uu muddo 27 sano ah uu u socday xagiisa danbe, waxaanu sheegay inuu arrintan bilaabay markii Dalkiisa ay ka dhaceen dhibaatooyin badan oo ay ku naf waayeen Dad badani, dhibaatooyinkaasi oo la xidhiidha dhinaca Qoomiyadaha kala duwan ee ku nool Dalkaasi oo mid kastaa ay doonaysay inay noqoto ta ugu awooda badan.
Mr Manemari ayaa waxa uu tilmaamay inuu socodka noocan ah u bilaabay inuu ku muujiyo Dareenkiisa uu ka qabo arrintaasi, laakiin muddo 27 sano ah kadib ayey xubnaha jidhkiisu awoodi waayeen socodkii caadiga ahaa.
Ninkan ayaa had iyo jeer socodkiisu yahay mid ka soo horjeeda socodka dadka maadaama oo uu xagiisa danbe u soconayo, arrintaasina waxay ku kaliftay inay qoortiisu xagga danbe eegto si aanay dadka iskugu dhicin.