“Haddii Shacabku Nagu Gedoodo Balo Dhacday, Guddoomiye Xisbina Na Daawan Maayo..” Guddoomiyaha Guurtida Somaliland DAAWO
Hargaysa 01. February 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa rejo fiican ka muujiyey muddada toddobada bilood ah ee ay isku raaceen Xisbiyada Siyaasadda, Komishanka iyo Madaxweynuhu in doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo xaaladda abaarta awgeed, waxaanu sheegay haddii uu Roobka xilliga Gu’ga ee sannadkan la filayaa si fiican u da’o in doorasho laga gaadhsiin karo.