|

Doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta Madaxweyne oo gabi ahaan la joojiyay iyo Sababta keentay

Muqdisho 01. February 2017 (SDN/QJ):- Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in gabi ahaan la joojiyay meeshana laga saaray doodii la qorsheeyay in loo qabto Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynha Soomaaliya.

 

Dooda ayaa Shalay qorshuhu ahaa in loo qabto Musharaxiinta isku haya halka kursi ee Madaxweynaha Soomaaliya, hasa ahaatee ka qeyb galka doodaasi ayaa waxaa diiday qaar kamid ah Musharaxiinta oo ka hor yimid in aan toos Telefishinada dhan looga baahineyn doodaas.

 

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada C/rixmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta kula hadlay xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in gabi ahaan la joojiyay doodii loo qaban lahaa Musharaxiinta, waxa uuna sabab uga dhigay cilad dhinaca Internetka ku timid, taa uu sheegay in ay suurto gal ka dhigi weysay in dooda si toos ah loo baahiyo.

 

” Sidaad la socoteen waxaa maanta (Shalay) timid cilad dhinaca Internetka oo suurto gal ka dhigi weysay in Dooda toos loo tabiyo, waxaan u aragnay in hadii aan dib u dhigno Dooda oo la qabto mar kale inay taasi qaldi karto Jadwalka loo go’aamiyay habraaca doorashada, sidaa darteed waxaan joojinay doodii Musharaxiinta loo qaban lahaa.” Ayuu yiri Mr Beyle.

 

Dhageesiga Khudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay bilaabato 2-da bisha Febaaro oo ku beegan maalinta Khamiist, Khudbadaha ayaana socon doona ilaa 5-ta bisha Febraayo ,iyadoona xiligaa kadib la isku diyaarinayo doorashada Madaxweynaha.

Comments are closed