Hay’ad Caalami ah oo ka dayrisay Saamaynta Ganacsiga Haragga Dameeraha oo Shiinuhu Afrika ka bilaabay
Hargaysa 01. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa walaac laga muujiyey Ganacsi cusub oo lagu dabar-jarayo Boqollaal kun oo Dameero ah, ka dib markii waddanka Shiinuhu bilaabay inuu iibsado Hargaha Dameeraha, iyadoo laga dayriyey Ganacsigaa cusub ee Hargaha Dameeruhu saamaynta uu ku yeelan karo nolosha Boqollaal Kun oo Qof oo ku nool inta badan Qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Maraykanka.
Ururka Caalami ah oo u dooda Xuquuqda Dameeraha iyo Gammaanka oo lagu magacaabo Donkey Snatuarty oo fadhigeedu yahay waddanka Ingiriiska, ayaa soo saaray Warbixin dheer oo uu ku soo bandhigay Ganacsigan cusub ee Hargaha Dameeraha, waxaanu Warbixintaas ku sheegay in sababta looga ganacsanayo Haragga Dameerka yahay in laga helay Dawada la yidhaa ‘Ejiao’, taasoo ah Dawo dhaqameed dalka Shiinuhu ka helay Haragga Dameerka, sida Warbixintan lagu sheegay..
Waxa Ururka caalamiga ah ee Dameeraha ee Donkey Sanctuarty, sheegay in 10 Milyan oo Dameer khatar ugu jiraan in loo gawraco; si Haragga looga saaro, arrintani waxay keentey in cabsi wayni soo foodsaartay Dadkii Dameeraha ku shaqaysan jirey ee ku kala noolaa Qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Maraykanka.
“Natiijo naxdin badan leh ayaannu ku ogaannay baadhitaan ay samaysay Donkey Sanctuarty, kaas oo la xidhiidha, taasoo saamayn ku leh sii jiritaanka nolosha Malaayiin Dameer oo dunida ku nool, isla markaana saamayn xun ku leh nolosha Malaayiin Qof oo dhaqaale ahaan ku tiirsanaa Shaqada ay Dameeraha ku qabtaan. Waxay tahay Natiijada naxdinta iyo shoogga leh ee baadhitaankayaga aannu ku ogaannay in uu bilaabmay Ganacsi cusub oo Shiinaha loogu iib-geynayo Haragga Dameeraha, kaas oo laga helay Dawada loo yaqaanno ejiao oo ah Dawo-dhaqameed laga isticmaalo Shiinaha oo laga samaynayo Hargaha Dameeraha.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta.
Warbixinta Ururka Donkey Sanctuary oo wado shaqayn la leh Ururka Daryeelka Bulshada iyo Xayawaanka ee loo yaqaan SAWS oo Somaliland ka shaqeeya, waxa uu ku baaqay in la joojiyo ka ganciga Hargaha Dameeraha, iyadoo Dameeraha ay ku shaqaystaan Maaliiyiin Qof, noloshooduna ku xidhan tahay Shaqada ay Dameeraha ku qabtaan, ayaa haddii arrintan halista ahi sii socoto waxay waayi doonaan ishii dhaqaale ee ay ku noolaan jireen, taasoo dhalinaysa nolol-xumo soo waajahda Dadkaas oo Dunidana culays nololeed ku soo kordhin karta.
Hay’adda Donkey Sanctuary waxay si gaar ah diiradda ugu saartey Warbixinteeda waddamada ay saamaynta xooggan ku yeelatay arrintan ka ganacsiga Hargaha Dameeruhu sida; Burkina Faso iyo Niger, inay tallaabo ka qaadaan sidii ay uga Hortegi layaaheen Gawraca loo geysanayo Dameeraha si Hargohooda loo dhoofiyo.
The Donkey Sanctuary, waxay ugu baaqeen Beesha Caalamka in wacyigelin ballaadhan sameeyaan; si looga hortago Gawraca sharci-darrada ah ee loo geysanayo Dameeraha; si Hargohooda loo dhoofiyo, ishana ku hayaan falalka Tuugada ah ee lagu xadayo Dameeraha.
Hay’adda Donkey Sanctuary, waxay ugu baaqday dawladaha hoose ee ka jira waddamada saamaynta ay ku yeelatay ka ganacsiga Hargaha Dameeruhu in ay joojijaan, kana wacyigeliyaan Bulshooyinkooda si loo ilaaliyo Dameeraha lagu shaqaysto.
Hay’adda Donkey Sanctuary ee Warbixintan soo saartay, waxaa ay wada-shaqayn leeyihiin oo xidhiidh ka dhexeeyaa Hay’adda Daryeelka Xayawaanka iyo Bulshada ee loo yaqaan SAWS, oo fadhigeeduna yahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo aan iyadu weli ka hadal in Ganacsigaas Haragga Dameeraha ee Shiinuhu Afrika ka bilaabmay soo gaadhay Somaliland iyo inay ka fayawdahay, balse, aannu rejaynayno inaannu dhinacooda haddaannu War ka helno idiin soo baahin doonno haddii Illaahay raalli ka noqdo.