Magacyada Muslimiintii lagu dilay Canada iyo Ninkii dilkaasi ka dambeeyay oo la qabtay (Daawo Sawirro)
Quebec 31. January 2017 (SDN/QJ):- Ciidamada booliiska dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo loo heesto in uu ka dambeeyay weerarkii habeen hore lagu qaaday Masjid muslimiinta ku cibaadeestaan oo kuyaala magaalada Quebec ee dalka Canada.
Weerarkan waxaa ku dhintay 6-qof oo kamid ahaa Jameecada masjidka ku cibaadeesanayay, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay 8-qof oo kale oo qaarkood la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.
Booliiska Canada ayaa Maxkamad hor geeyay nin 27-sano jir ah oo lagu magacaabo Alexandre Bissonnette, ninkan falka dilka ah ku eedeesan ayaa asal ahaan kasoo jeeda dalka Faransiiska hasa ahaatee waxa uu heestaa dhalada dalka Canada.
Maxkamada ayaa lix dacwadood kusoo oogtay Alexandre Bissonnette, waxaana dacwada loo heestyo kamid ah in uu geestay dil bareer ah iyo shan dacwadood kale oo la xariira isku day dil kadib markii uu weerarary Masjid kuyaala Xarunta Islaamka ee Quebec.
Ciidamada booliiska ee baarayay weerrakan Masjidka lagu qaaday ayaa soo bandhigay magacyada dadkii lagu dilay weerarka, waxaana dadka la dilay ku jiray macalin wax ka dhigayay mid kamid ah Jaamacadaha dalka Canada.
Halkan ka Akhrso Magacyada lixda qof ee weerraka lagu dilay
1-Azzeddine Soufiane oo 57 jir aha
2-Khaled Belkacemi oo 60 jir ahaa
3-Abdelkrim Hassen oo 41 jir ahaa
4-Aboubaker Thabti, oo 44 jir ahaa,
5- Mamadou Tanou Barry, 42 jir ahaa,
6- Ibrahima Barry oo 39 jir ahaa.
Weerarkan dadka Muslimiinta ah lagu dilay ayaa si xoogan looga cambaareeyay gudaha dalka Canada , Ra’iisal wadaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa fal argagixiso ku tilmaamay weerarka Quebec, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin dadka Muslimiinta ah.