|

“Idaacada iyo TV-gu isku barnaamijyo ahayn, oo way kala sareeyaan, Idaacada sarayso, TV-guna wuu ka hooseeyaa..”Wasiir Cismaan Cabdillahi Caddaani

Hargaysa 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyi-gelinta Mr. Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ayaa ka libkeenay qorshe dib-u-habaynta xaqsoorida shaqaalaha Wasaarada oo hore  Wasiir u soo maray wasaaradu ku guuldaraystay fulintiisa.

Kulan lagu qabtay hoolka wasaarada Warfaafinta, kana soo qeybgaleen dhamaan hawlwadeenada qeybaha kala duwan ee wasaarada ayuu Wasiirka warfaafintu kaga dhawaaqay shalay dib-u-habayn uu wadday  muddo 10 bilood ah oo ujeedadeedu ahayd sidii loo simmi lahaa gunnada ay qaataan shaqaalaha waaxyaha kala duwan, agaasime-waaxeedyada wasaarada.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Axmed Abokor Maxamed oo ugu horeyn ujeedada kulankii shalay ka hadlay ayaa yidhi,

“Ujeedada kulanku waa in faahfaahin innaga siiyo Wasiirka Wasaaradu arrinkii dib-u-habaynta nidaamka gunnada iyo mushaharka shaqaalaha ee muddada uu ku howlanaa. Dhamaan shaqaalaha wasaarada waxaan ugu baaqayaa inaan sannadka cusub ee bilaabmay la jaanqaado isbedel aynu ku samayno waxqabadkeena. Waxaan u ballanqaadayaa shaqaalaha in dhamaan madaxda wasaaradu kala qeybqaadatay Wasiirka hawshan, kuna barbartaagan nahay fulinteeda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta Mr. Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) oo kulankaa hadal ka jeediyey ayaa ku bilaabay,

“Wax-soo-saarka wasaaradu waxay ku xidhan tahay barnaamijyada aynu soo saarno, hadday TV-ga Qaranka tahay iyo hadii ay idaacada tahay.

Wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay shaqaalahii kulankaa goobjooga ka ahaa inay kala duwan yihiin tayada barnaamijyada TV-ga iyo Idaacadu, isagoo ugu maahmaahay “nimaad wax-ku-qarsan lahayd-waxba lagama qarsado, waxaanu yidhi,

“Sow shaqaalahii wasaarada ma tihidiin, oo magacaagii iyo sharaftaadii wasaarada ma saarna, waxaan idiin sheegayaa inaan Idaacada iyo TV-gu isku barnaamijyo ahayn, oo way kala sareeyaan, Idaacada sarayso, TV-guna wuu ka hooseeyo.

Wasiirka warfaafinta Mr. Cadaani ayaa ka waramay caqabadihii uu la kulmay markuu xilka wasaarada qabtay, taasoo saamayn ku yeelatay wax-soo-saarkii barnaamijyada TG-ga, Idaacada, Wakaalada wararka iyo wargeyska Dawan, waxaanu yidhi,

“Intaan hayey xilka wasaarada waxii ugu badnaa aan la kulmay waxay ahayd cabashada shaqaalaha, kow-waxay cabasho badani ka jirtay gunnooyinka ay qaataan shaqaalaha wasaarada oon isku dheelitirnayn,oo dad badan oo isku darajo ah ay qaadan jireen gunnooyin aan isku mid ahayn, cabashadaasina in badan soo jiitamaysay, oo soo noqnoqonaysay, annigana iga horeysay.

Wasiir Cadaani oo ka hadlayey go’aamadii uu ka gaadhay cabashadii shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee dhinacii kala duwanaanshaha gunnooyinka ayaa yidhi,

“Waxaa lagama maarmaan noqotay inaan samayno dib-u-haybayn balaadhan oo xagga gunnooyinka iyo mushaharooyinka, ee guud ahaan shaqaalaha wasaarada Warfaafinta, marka laga bilaabo Agaasime-waaxeedyada, ku-xigeenada, Agaasime-qeybeedyada, maamuleyaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada oo dhan, oo dad gunnooyin badan qaadan jiray laga jaray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & wacyigelinta Mr. Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) oo ka hadlayey siduu u simmay mushararkii iyo gunooyinka shaqaalaha isku derejada ah ayaa yidhi,

“Qof kastoo derajada A ah balse aan xil hayn oo qaadan jiray milyan, waxuu qaadan doonaa milyan iyo Sagaal boqol, derejada B oo qaadan jirtay sided boqol, waxay qaadan doonaan milyan iyo shan boqol, derejada C oo qaadan jirtay lix boqol imika waxay qaadan doonaan milyan iyo boqol, derejada D oo qaadan jirtay saddex boqol iyo afar iyo todobaatan, imika waxuu qaadan doonaa todoba boqol iyo kow iyo toban shillin Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Mr. Cadaani ayaa ugu dambayn mahab balaadhan u jeediyey Madaxweynaha JSL iyo Marwadiisa, wasiirka Maaliyadda Marwo Zamzam Cabdi Aadan dedaalada ay ka geysteen horumarinta dalka.

Shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Warfaafinta ayaa si weyn u boqaadiyey kuna hambalyeeyey wasiirka Warfaafinta isbedelka uu ka sameeyey simmitaanka musharaka iyo gunooyinka shaqaalaha.

Dhinaca kale qorshahan habaynta mushaharka iyo gunnooyinka ee shalay uu ku guulaystay Wasiirka Warfaafinta Mr. Cadaani ayuu hore ugu guuldaraysteen dhamaan wasiiradii hore u soo maray Wasaarada warfaafintu inay wax ka qabtaan.

Comments are closed