Raysal-Wasaaraha Itoobiya Oo Markii U Horeysay Si Taxader Leh Uga Hadlay Wada-hadallada U Dhexeeya Somaliland & Somaliya
Addis Ababa 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Hailemariam desalegn, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Wada-hadallada u dhexeeya Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha Itoobiya oo u warramay Weriye Cabdisalaan Ibraahim Hereri oo ka tirsan Telefiishanka Universal, ayaa sheegay inay Dawlad ahaan ay Dhiiri-gelisay Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya wallow in muddo ah Hakad ku jireeen.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya wuxuu amaanay Madaxweynaha Soomaaliya, “Aniga waxa aad ii dhiirigaliyay, tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha talada haya, ee uu ku sii ambaqaadayo wada-hadalkii u dhexeeyay Maamulka Somaliland iyo Soomaaliya”ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Itoobiya, waxaanu intaasi ku daray in Arrimaha ay ka wada-hadlayaan ay yihiin wax iyaga u yaalla, “Arrinta u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya waa mid iyaga u taalla.”
Wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo hakad-galay badhtamaha Sannadkii hore 2016-dii, ayaan illaa hadda dib u bilaabmin.
Dawladda Itoobiya ayaa ka mid ah Dawladaha jaarka la ah Soomaaliya iyo Somaliland ee sida dhow isha ugu haya Wada-hadalladan.
Dawladda Soomaaliya ee uu Xilligan Hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wada-hadalladan uga dan leh sidii loo soo celin lahaa Midnimadii Soomaaliya iyo Soomaaliya ee burburtay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh dhowr jeer Warbaahinta ka sheegay, halka Somaliland-na doonayso in beesha Caalamku u aqoonsato Dawlad ka Gooniya Soomaaliya inteeda kale, Wallow imikaba ay Caalamku Somaliland ula Macaamilaan sidii Dawlad la aqoonsan yahay.