|

Dood Xasaasi ah oo Ku Saabsan Sicirbararka ZAAD & E-Dahab Iyo Ga’aankii Xukumada Somaaliland,Khalad Ku Jira Nidaamka Dhaqaale ee Somaliland & Aragtida Aqoon yahanka DAAWO

Hargaysa 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Laba dhaqaale yaqaan baa si fiican u faaqiday dhibaatada sicir bararka Waxay Tilmaan ka Bixiyeen Halka uu Xididkiisu Ku arooro.

Doodan Waxay ku Qodobeeyeen arrimahan Hoos ku xusan
1. Dawladda oo lacag iska soo daabacda;
2. Dhaqaalaha oo doolarabay sababta oo ah kalsooni darro shilling ka Somaliland laga qabo (culayskiisa darteed) iyo doolar badan oo dalka ka soo gala xawilaadda qurbaha, iibka xoolaaha oo doolar ah iyo deeqaha debedda ka yimaadda.
3. Wax soo saarka Somaliland oo yar;
4. Bangigii dhexe oo aan doolar bixin karin. Dabadeed dadkii wax ka soo iibsanayay debeddu waxaay suuqa ka urursadaan oo ka iibsadaan doolar. Wuu qaaliyoobaa doolarkii markaa.
5. Zaadka iyo E-dahab oo ku sallaysan doolarka. Dawladdu lama xisaabtanto shirakdaha is-gaadhsiin oo haday doonaan lacag hawo ah bay samayn karaan. Qodobkan way ku kala aragti duwanaayeen.
6. Lacagta doolarka ah oo dadka reer Somaliland wax ku kaydsadaan.
7. Musuqmaasuqa;
8. Bangiga Dhexe oo aan shaqayn;
9. Dawladda oo alaabta ku iibsata doolar
10. Nidaamka dhaqaale ee dalka oo qaldanā€¯

 

Comments are closed