|

Orodyahan Mohamed Farah oo laga yaabo in Saameyn ku yeelato Amarkii uu saxiixay Madaxweyne Trump

Washington 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Oradyahanka Asalkiisu Soomaaliga yahay balse heesta Dhalashada Britain Mohamed Farah ayaa laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeelato amarkii dhawaan kasoo baxay Donald Trump ee lagu mamnuucay safarada dadka Muslimiinta qaarkood ku tagayaan dalka Mareykanka.

 

Mo Farah ayaa ku dhashay dalka Soomaaliya waxa uuna heestaa dhalada Dalka Britain, hasa ahaatee dalkii uu ku dhashay ee Soomaaliya ayaa kamid ah todobo wadan oo Muslimiin ah oo laga mamnuucay in ay safaro ku yimaadaan dalka Mareykanka.

 

Xaaska Orodyahan Mo Farah ayaa xiligan ku nool Gobalka Oregon ee dalka Maraykanka, Mo Farah ayaana hada ku sugan dalka Itoobiya uu ku qaadanayo tababar, waxana xusid mudan in Mo Farah dalka Mareykanka ku leeyahay xarun tababar.

 

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in Mo Farah ay ku adkaan doonto in uu tago dalka Mareykanka ay ku nooshahay xaaskiisa sidoo kale ugu taalo xarun uu tababar ku qaato xiliyada qaar.

 

Amarka uu saxiixay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka aya asaameyn ku yeelan doonto dadka heesta dhalashada wadamo kale balse kasoo jeeda 7-da wadan ee sida KMG ah looga joojiyay dadkooda in ay u soo safraan dalka Mareykanka.

Comments are closed