Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay inay Khubaro u Saartay Is Waafajinaya Fulinta Go’aankii Xukuumada ee Adeegyada Zaad iyo E-Dahab DAAWO
Hargaysa 29. January 2017 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cali Dhagoole ayaa Sheegay inay hawl galiyeen Khubaro Ku takhasusay dhinaca Tiknoolajiyada (IT) Kuwaas oo is Waafajinaya Go’aankii Xukuumaddu ka soo saartay in Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil Group aanay Ku diri karin adeegyadooda Zaadka iyo E-Dahabka Lacag ka yar Boqol dollar Kadib Markii ay Shirkadahani Sheegeen inay Mudo qaadanayso Sidii ay Systemka ay ku shaqeeyaan uga saari lahaayeen Xadiga lacageed ee Xukuumadu soo jeedisay.