|

”Waxba Nagama Gelin Somalia Laakiinse Waanu Wada Hadlnayaa Somaliland ” Maamulka Kooxda Khaatumo DAAWO

Buuhoodle 27. January 2017 (SDN/QJ):- Shir ay masuuliyiinta iyo madaxda Khaatumo ku yeesheen Buuhoodle ayaa ay ku qaadaceen war dhawaan ka soo baxay siyaasiyiin iyo wax-garad reer Buuhoodle ah oo soo jeediyay in la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo inta ay dhaceyso doorashada Soomaaliya

Waxaanay masuuliyiinta maamulka Khaatumo ay sheegeen inaanay marnaba hakineyn wada hadalka ay kula jiraan Somaliland

Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali Cabdilaahi iyo gudoomiyaha baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar oo arrimahaasi ka hadlay waxaa ay yidhaaheen “Daweynaha reer Khaatumo waxaanu fahan-siineynaa anaga oo labadii gole ah, wixii lagu kala dilayo maamulka Khaatumo waa in ay meel uga soo wada jeestaan, xubnahaasi kama mid ahaa saddexda gole xukuumada, wada hadalka anaga iyo Somaliland noo dhaxeeya waa uu soconayaa, waxaanu ku soconayaa sidii loogu tala-galay”

Dr. Cali Khaliif Galeydh oo isaguna meeshaasi ka hadlay ayaa sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo inay sii soconayaan “Waxay taladayadu tahay waar anagu wada hadaladayada waanu wadeynaa, cidna odhan karta mayeeli kartaan oo saddexdan gole ka baxsanina ma jirto, nimankaa Islaameed meel ay ka keeneen, awood sheegashada iyaga ayaa ka sheekeyn,hawshayadu ha cuslaato, naftayadana aanu khatar ugalineyno waar cid aanu ku xaq dhawraynaana ma jirto, maantana wax ka danbeeya Khaatumo ma matalayaan”

Comments are closed