|

Culimo Faysal Cali Waraabe ugu Bushaareeyey Riyo lagu tusay Isagoo Madaxweyne ah, Kitaabna Gacanta u saaray DAAWO

Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):-Culimada Reesh Sheekh Maxamed Carab oo ah Culimo caan ah oo deegaan ku ah degmada Xaaji Saalax oo ka tirsan gobolka Daad-madheed (Oodweyne), ayaa Hargeysa ugu yimi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo ay sheegeen inay ku riyoodeen isaga oo Madaxweyne ka noqday Somaliland, isla markaana Cadaalad iyo Kitaabka Qur’aanka ah dalka ku maamulaya, iyaga oo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ee 30-ka Jis ahna guddoonsiiyey.

Kulan ay Hoggaanka Xisbiga UCID oo Faysal ka mid yahay iyo Xubnaha Culimada ah ee ka yimi degmada Xaaji Saalax ku wada-yeesheen Xarunta UCID ee magaalada Hareysa, ayay Culimadu ku faafhaahiyeen Riyadooda ama Manaabka lagu tusiyey Faysal oo Somaliland Madaxweyne ka ah. Sidoo kale, Eng. Faysal iyo Xubno UCID ka tirsan, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay.

Comments are closed