|

Dekeda Magaaladda Berbera oo Weli u Xidhan Sicir Bararka Somaliland Ka Taagan iyo Baanka Dhexe oo Lagu eedeeyay inuu Suuqa soo Geliyey Lacag Shilling Somaliland ah

Berbera 25. January 2017 (SDN/QJ):- Magaalada dekedda ah ee Berbera ayaa ganacsatadu waxay gebi ahaanba albaabada u laabeen maalintii labaad meheradihii ganacsiga iyagoo ka cabanaya sicirbarar beryahanba saameeyay nolosha guud ee dadweynaha Somaliland. Shiliinka somaliland ayaa qiimo dhac weyni ku yimid labadii bilood ee ugu danbeeyay.

Xuseen Cawil Cabdillaahi oo ah nin ka ganacsada magaalada Berbera ayaa BBC u sheegay in meheradaha ay xidheen ay ka kooban yihiin bakhaarada cuntada , dukaamada tafaariiqda iyo suuqyadii kale.

Wuxuu sheegay in sababta sicir bararka keentay ay tahay iyadoo bangiga Somaliland uu suuqa ku soo daayay lacago xad dhaaf ah oo shillin ah.

Dhinaca kalena guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera, Jamaac Yuusuf ayaa BBC u xaqiijiyay meheradaha ganacsiga berbera ee ganacsatii xidheen iyo mudaaharaad cabasho ah oo dadweyne la hortageen xafiiska maamulka gobolkaaasi.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in dadweynaha banaabaxayay uu u sheegay in xukuumaddu ay si degdeg wax uga qabanayso arrinka sicirbararka oo golaha wasiirada ee Somaliland maanta shir degdeg uga fadhiyaan .

Magaalada Hargeysa dadweyne aan badneyn ayaa iygana Shalay isugu soo baxay suuqa gobanimo iyagoo ka cabanayay sicir bararka .

Sicir bararka waxaa si gaar ah uga cabanaya dadka danyarta ah ee shaqaalaha ah mushahaaarkana ku qaata shillinka Somaliland.

Sicir bararka saameeyay nolosha dadweynaha Somaliland ee magaalo iyo miyiba waxa uu ku soo beegmay iyadoo abaar baahsani ka jirto halkaas oo gurmad lagu jiro.

Inkasta oo Go’aamo ay Shalay Xukuumaddu soo Saartay Sabab u noqotay inuu Hoos u dhaco Qiimihii Sarifka dollarka hadana waxaa laga dhursugi doonaa Sida Qaraarkaas adag ee Dawladu u hirgalo.

Comments are closed