Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la Wareegay Hogaanka Dalka Somalia Mudada Marxalada Kala Guurka
Muqdisho 25. January 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa xalay la wareegay hogaanka Dalka Kadib Kulan uu la qaatay Gudoomiyaha Golaha aqalka Sare cabdi Xaashi Cabdullaahi .
Gudoomiye Jawaari ayaa lawareegayo Ciidamada Sugidoono amaanka Doorashada maamulida ilaha dhaqaalaha iyo dhamaan shaqadii uu qabanayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kadib kulan dhaxmaray Gudoomiye Jawaari iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Sanatarka Dalka.
Qodobo ka so baxay shirkooda ayaa waxaa ka mid ahaa in Jawaari uu qaato dhamaan waajibaadki madaxweynaha.
Sida muuqata waxaa meesha kabaxay in Xasan Shiikh Maxamuud wax xil ah uu hayo hada waxa ka danbeeyo uu la midyahay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya waxaana meesha ka baxay walaacii mauasharxiinta oo ku aadan in uu xilka sii hayo Xasan shiikh maxamuud.