Labada aqal ee Baarlamanka oo kulankoodii ugu horeeyey ku leh Muqdisho & Mooshin la horkeenay
Muqdisho 25. January 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanada iyo gudoonka labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa magaalada Muqdisho waxaa uga furmay kulankoodii ugu horeeyey.
Kulankan oo ay soo xaadireen ku dhowaad 250 xildhibaan ayaa waxaa ajendaha looga hadlayey uu ahaa magacaabida guddiga doorashooyinka madaxweynaha.
Hase ahaatee mowshin ay ku saxiixan yihiin illaa 15 xildhibaan ayaa loo gacan geliyey guddoonka baarlamanka kaasoo isla maanta la soo hor dhigay xildhibaanada labada aqal.
Tirada guddiga doorashooyinka Madaxweynaha loo qoondeeyey oo aheyd 10 xubnood oo aqalka hoose ah iyo shan aqalka sare ah ayey xildhibaanadan doonayaan in wax laga bedelo, waxayna soo jeediyeen in xubnaha shanta ah ee aqalka sare laga dhigo illaa lix xubnood laguna saleeyo lixda maamul goboleed ee dalka.
Mowshinkan oo xildhibaanada keenay ay ku tilmaameen talo soo jeedin ayaa cod loo qaaday, 117 Xildhibaan ayaa ogolaatay in Guddiga uu noqdo 16 xubnood, waxaa diiday 50 halka afar ay ka aamustay.
Waxaa sidoo kale kulankan warbixino looga dhegeystay shir guddoonadii kmg ahaa ee labada aqal ee baarlamanka Somalia, iyadoo la filayo in la magacaabo maanta guddiga doorashada madaxweynaha Somalia oo marar badan dib u dhacday.