Qaybo Ka Mid ah Bulshada Caasimada oo Maanta Dhigay Bannaan Bax ay Dareenkooda ku Muujinayeen Xaalada Sicir Bararka DAAWO
Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa ka Dhacay Mudaharaad ay ka qayb qaadanayeen Qaybaha Bulshadu Isla Markaana ay ku Soo Bandhigayeen Heerka adag ee uu Marayo Sicir Bararka ka Taagan Dalka oo Saamayn ku Yeeshay Nolosha Bulshada.
Suuqa Gobanimo oo ah kan labaad ee ugu weyn magaalada Hargeysa ayaa Meherada Badankooda Saaka La xidhey.
Waxaa Loo xidhey Qiimaha Sarifka Lacagta Doolarka oo halkii u sareysay gaadhey marka lagu Badalayo Lacagta Somaliland.
Dadkii soo shaqo tagay ayaa Meherada Hortooda Cabashadooda ku muujinyay, Ilaa Saaka 7:00AM oo ah wakhtiga la furo Ganacsiga Magaalada.
Dad aan la sheekaystay waxay sheegayaan in Lacagtii Somaliland ee wax lagaga iibsanayay iyo tii ay kusoo iibsanayeen kala Bateen islamarkaana Khasaare ay ku jireen Bishii u dambeysay.
$1 waxaa lagu Badalayaa Suuqyada magaalada Hargeysa 8500S/L.
Dadku waxay sheegayaan in Dawlad iyo cid ka hadashey aanay jirin oo ay saaka meheradahooda u xidheen arintaasi.
Magaalada Berbera waxaa iyadna la joojiyay ganacsigii oo dhan, Meheradii Ganacsiga ayaan la furin saaka, Gaadiidka Tartiib oo aad uga shaqeeya magaalada ayaa iyaguna joojiyay Shaqadii.
Dadku wax rabshado ah ma sameynayaan laakiin haayadaha Dawlada ayaa Ciidamada Kala duwan soo dhoobey agagaarka Suuqyada Xidhan.
Inkasta oo Saraakiisha ciidanka wataa ay Mararka qaar si khaldan dadka ula hadlayeen Laakiin Ciidamada Hubeysan ee meesha la keenay waxaa ay sheegayaan inay Xaq u leeyihiin inay Dadku Cabashadooda Muujiyaan, Balse la yareeyo rabshadaha.
Maayirka Caasimada Hargeysa, Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex, Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Saraakiil badan ayaa Suuqyada la xidhay ee Hargeysa Tagay, Maayirka iyo Badhasaabka oo dadka la hadlay ayaa u sheegay in degdega wax looga qabanayo arrinkaasi.
Markii lala hadlay dadku waxay dib u bilaabeen inay Ganacsigoodii bilaabeen iyagoo wada xaajoodka dawlada u xil saaray Guddi.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbadii 2015 ee uu baarlamaanka Somaliland u sheegay in qiimaha Doolarka la xadidi doono, islamarkaana Guddi Loo saarayo laakiin Hadalkaasi madaxwaynaha waxaa kasoo wareegay Laba sano iyadoo waxba aanay iska badalin qiimihii Lacagta Qalaad marka lagu badalayo Somaliland inay kor usii kacdo mooyee.
Dhinaca, Deegaamada Puntland ee Soomaaliya waxaa dhawaan Qiimaha Lacagta Doolar gaadhey 29000 lacagta Soomaaliya ah, halka uu markii hore ka ahaa 23000 ilaa 25000 inta u dhaxaysa, Shacabka oo dareenkooda la hortagay aqalka Baarlamaanka Maamulkaasi waxaa Sabtidii Dhaweyd laga soo saaray Go’aan kaasi oo sheegay in aan halka Doolar lacaga ka badan 25000 lacagtooda ah lagu sarifi karin, Cidda ku sariftana lala xisaabtami doono.
Go’aankaasi xukuumaddu soo saarta si fiican ayuu uga dhaqan galay, dadkuna waa soo dhaweeyeem go’aanka dawladu qaadatey.
Somaliland waxaa inta badan kor u kaca qiimaha Doolar oo aaneeyo shirkadaha Isgaadhsiinta ee Telesom iyo Dahabshiil kuwaasi oo sameeyay adeegyo Moobilka lacagta lagu shubanayo oo lagaga maarmayo lacagtii badneyd ee Jeebada lagu Qaadanayay.
Adeegyadaasi waxaa ay keeneen in dadkii ay lacagtii ka wada dhigtaan Doolar oo aanay isticmaalin lacagta Somaliland.
Labadii sano ee u dambeeyay qiimaha lacagta Sarifka doolar ee Somaliland kor ayuu u siii Socday iyadoo imika ay noqoneyso markii ugu sareysay ee u halka Gaadho.
Xukuumadda Somaliland waxaa la sheegaa in ay xidhiidh la leedahay shirkadaha isgaadhsiinta taasina ay keentay waxka qabasho la’aanta sicir bararka lagu eedeeyay adeegyada shirkadahaas.