|

Hoggaamiyaha WADDANI oo soo Bandhigay Afar Kooxood oo iskugu soo Hadhi doona Xisbul-xaakimka KULMIYE

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo bandhigay  afar kooxood oo uu sheegay inay   iskugu soo hadhi doonaan xisbal-xaakimka KULMIYE, dadka intiisa kalena ay iskugu tagi doonto xisbiga WADDANI.

Hoggaamiye Xirsi waxa uu xisbiga KULMIYE noqon doono mid la isku khasbo, waxa kaloo sheegay inay doonayaan inay shacbiga Somaliland ay ka dhigaan qaar iskugu xidhan nidaam la mid ah sida giraanta oo kale oo ka duwan sida jeegaanta oo uu ula jeeday laba ardaa ee ku midoobay xisbiga KULMUTE.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad Huteelka Maansoor loogu sameeyay   haween ka tirsanaa xisbi yahannada KULMIYE oo ku soo biiray WADDANI, kuwaasi oo ka koobnaa degmooyinka caasimadda Hargeysa, waxaanu yidhi, “Mar labaad iyo mar sadddexaad ayaan u mahad celinayaa Hablaha qaaliga ah haddii ay KULMIYE  qaali ku ahaayeen,  WADDANI-na  qaali ayay ku ahaan doonaan, Hablihii ahaa Mishiinkii KULMIYE, Mishiinkii annagana na dhisaayay, nataageeraayay ee aan ku dhaadanaynay xiligaas inay ahaayeen ayaan marag ka furayaa aad iyo aad ayaanu ugu baahnayn ugu boholyawnay aaminsanahayna inay halkan dhisi doonaan iyaga oo iskaashanaya, Hablaha kale ee hore u joogay WADDANI way dhaqaajin doonaan.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu carabaabay afarta  kooxood oo uu tilmaamay inay iskugu soo hadhi doonaan KULMIYE, waxaannu yidhi, “Waxaan maalintii dhawayd sheegay afar qolo uun baa iskugu hadhaya dadka kale Insha allaahu tacaallaa WADDANI  ayay isugu iman doonaan wixii doorbidayana UCID u diidi mayno KULMIYE  isma lihi waa lagu raagayaaye laakiinse ciddii kale garan-wayda UCID u diidimayno. afarta qolo waan sheegayaayoo  waxa weeye Qolo Odayaala oo muxtarima oo is-qaadi waayay oo leh waar nimanyahow waxa aanu sii eeganaynaa laacaas oo waa qola Xishoonaysa, qolada labaadna waa qolo qabyaaliyiina oo qabyaaladu ka tiro-badatay oo qabyaalada mooyee  aan wax kale garanayn oo intaas ayaa ku dhejinaysa.

 

Qolada Saddexaadna waa qolo lacag haysata oo marba inta afar gidaar fadhiya lacag loo dhiibo la yidhaahdo WADDANI  baanu ka baxnay dhaha oo waa Afartaas oo ururay oo lacag badan ku jooga, Qolada Afraadna ‘Nin baa Mandheera joogi jirayo dabeedna Sarkaal buu ahaayoo  marka qolo la soo xidhaba jeelkii ayey ka daataan oo  maalintii danbe ayaa loo soo Xidhay niman geel jireyaal ah  markaasuu arkay yagoo baala daymoonaaya oo jeelkii daawanaya (Budh) ayuu qaadayo intuu qadaadka ku dhuftay ayuu yidhi waar aabahaa la gudye Jeelka Iimaanso’  Marka qolada afraadna waxay noqonayaan qolo la yidhaahdo waar Aabaha Gude Kulmiye iimaanso.”

 

Hoggaamiye Xirsi oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray, “Horaan uga hadlay Hablihii Axmed Dhagax iyo doorka looga baahan yahay Hablaha waxa aan isleeyahay Haweenku door wayn ayay ku leeyihiin qaranimada, dalka horumarkiisa, iyo dhismaha ilaa qoys laga soo bilaabo la’aantoodna suurta gal ma aha in la guulaysto, Cida codka bixisaa waa iyaga Cidda lagu tiirsan yahay ee shaqada waddaa waa iyaga aad iyo aad ayaanu idiinku boholyawnay marka aan si kale u dhigana qoladayadii KULMIYE  ka timi Ciyaarta intii ay isla garanayeen inaanu helno  oo Jiibta iyo Jaanta isla helaa waxa aan isleeyahay guul wayn ayaynu wada dhalinaynaa.”

 

Mr. Xirsi waxa uu sheegay in ay doonayaan inay bulshada Somaliland iskugu xidhaan qaab giraan ah oo ciddina ay xisbiga qariib ku noqonayso, “Giraantii aan sheegay ee aynu dhisaynay xaga Ragga iyo xaga Dumarka dalka dhammaantii Giraan ayaynu ka wada dhigaynaa oo waynu isku xidhaynaa.Dad isku xidhan meel ka wada Shiidaal qaata oo qaranka u adeega oo hanaan, Haybad iyo Himilo qaran leh ayaynu abuuraynaa haddii (Allaha Awooda lihi Ogolaado) Maaha Jeegaan iyo isuboodo iyo labo maaha ee waa qaran isku duuban oo Giraan ah oo isku wada xidhan oo isku wada kalsoon oo qolona aanay qariib dareemaynin qolona aanay dareemaynin inay iyagu gaar wax u wada qaateen,”ayuu yidhi Hoggaamiyaha WADDANI, isagoo si gaar ah ula hadlayay haweenkii ay soo dhaweynayeen waxa uu yidhi, “Halkan haddii aanu idiinka soo horayney halkani waa guri la idiinka baahan yahay oo la idinku soo wada dhawaynaayo cududiinna iyo Caqligiina waa loo baahanayahay diyaar baa la idiin yahay wax  innaga oo isku duuban aynu horumar gaadhsiin doona qaranka oo aynu gaadhi doona Himilada uu leeyahay.”

Waxa kaloo uu sheegay in xafladaha xisbigoodu u samaynayo taageereyaasha ku soo biira lagu ururin doona qaadhaan loogu talogalay abaaraha, waxaannu yidhi, “Abaarta oo laga hadlay maalin walbana laga hadlo waxa lagu dhawaaqay hanaan dhaqaale ururin oo Xisbiga u gaara in la sameeyo Habeenkii Guuleed ayaa lagaga dhawaaqay waxa loo sameeyay (Account) Sanduuq dhamaantiin Sanduuqaas wax ku soo biiriya Xaflad waliba in ay noqoto mid qaadhaanka looga uruuriyo ayaynu doonayna oo ay isku darsamaan Xafladda Qabashadeedii oo Dadku hadii uu ina doonaayo Albaabada ka xidhanmayno laakiin laba ayaynu iswaafajinayna Dadkii oo Xisbigii lagu soo horo iyo Dadkii Dhibaatadu haysatay oo loo uruuriyo qaadhaan waxa aan doonayna Xaflad waliba inay ka jawaabto qaadhaan ururinta oo aan u gurmano dadka gaajaysan ee Abaartu ku habsatay.

 

Waxa aan ku celinayaa hadalkaygii aan ka idhi Berbera ee ahaa Kulmiye ayaanu ka nimiyoo Kulmiye waxaan aaminsanahay runtii waa kan Muruqyadii ugu waawayna maraya ee Haweenku.”

Comments are closed